HomeFursadaha Nabadda Iyo Caqabadaha Adkaysiga u baahan! – Faallo Cumar M. Faarax

Fursadaha Nabadda Iyo Caqabadaha Adkaysiga u baahan! – Faallo Cumar M. Faarax

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Axaddii sabtidii todobaadkan Huteelka weftiga madaxweynuhu degan yahay ee MINA-SALAAMA HOTEL magaaladda Dubai kula kulmay Guddoomiyaha ururkii Somaliland diidka ahaa ee SSC Mr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye). Kulankaas oo ay ku faaqideen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen nabad-gelyada iyo xasilinta gobolada Sool iyo Buuhoodle.

Kulankan waxa uu ahaa mid qorshaysnaa oo muddaba laga shaqaynayay  oo qeyb ka ah in dedaaladda xukuumadda Somaliland ay ku  doonayso inay nabad gelyo ku kasbato ashkhaasta iyo kooxaha nabad diidka ah ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Buuhoodle.

Qasdiga xukuumadda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay ka leedahay nabadeynta iyo gogoshada nabadda ee uu iclaamiyay bilowgii bishii August 2010, dhawr maalmood ka dib markii uu la wareegay xilka madaxtinimaddu waxa uu daaran yahay sidii deegaamadaasi oo xaga horumarka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ka hooseeya gobolada kale ee dalka looga fulin ahaa mashaariic waaweyn oo lagu horumarinayo adeegyada ijtimaaciga ah ee bulshadda daruuriga  u ah.

Waxa xukuumadda Somaliland-na la gudboon inay taageero dhinac walba leh la garab istaagto siyaasigan si ay uga saacido inuu ummaddiisa u soo jiido .

 Ahmiyadda Kulankan

Kulankan madaxweynaha Somaliland la yeeshay Guddoomiyaha Ururka SSC Saleebaan Xaglo-toosiye, waxa uu furre u noqon karaa jidka loo marayo in wada hadal lagu dhameeyo tabashooyinka beelaha Sool iyo Buuhoodle. Waxaana haddii uu si ficil ah u dhaqan geliyo Hoggaamiyaha SSC  qodobadii ay ka wada hadleen Hoggaamiyaha dalka ay suurto-gal ka dhigaysaa in Somaliland ay  wax ka bedesho jawigii hore oo ay galaan gal u yeelato in xubno kale oo ka mid ah kooxaha nabad diidka ahi ay ku soo hirtaan inay qoriga dhigaan oo ay ka qeyb galaan dedaalada nabadda.

Sidoo kale, waxa uu Saleebaan Xaglo-toosiye oo ah siyaasi qurbo joog ah, waxa   uu nabadda ku qancin karaa qeybo badan oo ka  mid ah qurbo-jooga colaada iyo dagaaladda ku bixiya dhaqaalaha adag ee lagu mustaqbal tirayo dhalinyaradda iyo ubaxa gobolada ay ka soo jeedaan. Kuwaasi oo ah dadka tacab khasaarka u weyni ku dhacay.

Caqabadaha ka hor iman kara iyo Fursadaha uu haysto Saleebaan Xaglo-toosiye

Hoggaamiyaha SSC oo ah nin dhalinyaro ah  waxa la gudboon inuu u babac-dhigo, adkaysina u yeesho  caaridad xoog leh iyo mixnad aan yarayn oo ay dedaaladiisa nabadda iyo aragtidiisa togan  ay kala hor iman karaan kooxda khaatumo seeg  ee Cali Khaliif Galaydh uu samaystay  iyo makasta la hubeeyay ee saarka qabyaaladda looga faa’iidaysanayo xoogooda dabka lagu gurayo.

Waxa uu u baahan yahay inuu juhdi badan  geliyo oo uu la yimaado istaatajiyad uu ku qancin karo maxasta iyo dhengagaalaha. Waa inuu kaashadaa  aqoon-yahanadda nabadda u bohol yoobay iyo waxgaradka deegaamadiisa uu door bidayo inay kaalin ka qaadan karaan tubta nabadda.

Haddii uu ka jibo keeno 50% inuu hanto bulshada deegaankaasi waxa uu noqon doonaa xidig weyn oo lagu talo taashka nabadda. Waxaanu noqon doonaa siyaasi meeqaam sare ku yeesha siyaasadda Somaliland.

24-kii saacadood ee la soo dhaafay waxa kooxaha durbaanka colaada u googa’ay ay mareegaha kooxda Khaatumo ay Saleebaan Xaglo-toosiye ka qorayeen maqaallo aflagaado  ah oo ay ku naqdiyayeen kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaan Hoggaamiyaha SSC horyaala inuu ku adkaysto dariiqa nabadda oo uu ahmiyad weyn siiyo sidii bulshadiisa uu u halgamayay isagoo nolol wanaagsan ku haystay dalka Maraykanka uu gaadhsiiyo himilooyinka nabadda.

Waxaanan qormaddan ku soo khatimayaa maah-maahda Soomaaliyeed ee tidhaahda “RAGANIMADDU WAXAY KU JIRTAA MEEL CIDHIIDHYOON.”

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories