HomeFursadaha Maalgashi Ee Somaliland Yaal - W/Q Fouad Abdisalam

Fursadaha Maalgashi Ee Somaliland Yaal – W/Q Fouad Abdisalam

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dr Fuad AbdisalanSalaamu Laahi Caleykum.

Waa ii Farxad in maanta laga hadlo ama laga fikiro sidii dalkeena hodanka ah ee Somaliland Maalgashi Shisheeye Loogu heli lahaa, taas oo fursad weyn u ah shacabka somaliland lagana dhaxli karo xalinta ama daboolida dhibaatooyin heysta Bulshada oo Shaqo la’aanto kow ka tahay.

Somaliland Mudadii dhawr iyo labaatanka sanno ah ee ay jirtey, Waxaa ka hano qaadey hab iyo hanaan dheerigalin kara maalgashiga shisheeya xoojineyna maalgashigii Ganacsadayaasha Somaliland dalka ay ka Geysteen, Inkastoo la odhan karin somaliland waxay gaadhey heer isku filaansho dhinac walba ah hadana waxaa abuurmey jaanisyo badan oo horumar dhaqan dhaqaale laga sameyn karo.

Fursadaha maalgashiga ee Somaliland Yaal waxaa ugu Muhiimsan:

  1. Kheyraadka Badda iyo Kalluumaysiga

Somaliland waxay leedahay Xeeb dheer oo dihin taas oo ah hantida ma guurtada ah ee shacabka reer somaliland ku faanaan, Balse ay Moogan yihiin oo aaney ka faaideysan, Xeebta dheer ee somaliland waxay suurogalin karta in lagu sameeyo maalgashiye balaadhan oo wax soo saarkiisu gaadhi karo wadamada Geeska africa oo qaarkood aaney lahayn bad sida Ethiopia oo kale. Sidoo kale ka  faaideysiga kheyraadka bada iyo maalgalinteedu waxay shacabku ka heli karaan kor u kac nololeed iyo  horumar qaran waxayna noqon karnaa ilo nololeed oo muhiim ah oo dheelitiri karta shacabaka maanta inta ugu badan  ku tiirsan yihiin xoolaha nool.

Maalgashiga kheyraadka bada iyo kallumeysigu wuu noocyo badan yahay  waxaa hirgalin karaa warsahado waaweyn oo casri ah oo geeska africa gaadhsiin kara wax soo saarka dalka.

  1. Maalgashiga Xoolaha Nool

Xoolaha nooli waa laf dhabarta dhaqaale ee maanta somaliland ku tiirsan tahay, 70% shacabka somaliland waa xoolo dhaqato manaafacadsada xoolaha nool iyo wax soo saarkooda sida Caanaha iyo hilibka. Waa qeyb muhiim ah oo u baahan in la maalgaliyo lana horumariyo, lagana faaideyso inta habab kala duwan loo sameeyo oonta xoolaha nool.

  1. Maalgashiga Beeraha

Beeruhu ugu horeyn ba waa il cunto oo muhiim ah. dalalka adduunka ee beeraha ka horumarayna waa kuwo dhaqaale ahaan xoogan oo kobcay. marka xiga beeruhu waxay sababaan kacdoon warshadeed oo hirgala. taas waxay sababtaa in waxsoosaarka guud ee waddanku kobco oo koro.

Sideynu ognahay maanta in badan cuntada dalka lagu isticmaalo waxaa laga keenaa dibadaha, taas oo dhibteeda leh inaga dhigtey wadan ku tiirsan mar walba wadamo kale, horumarinta iyo maalgashiga beeraha iyo wax soo saarka dalku wuxuu sahli kara in aynu isku filnaasho gaadhno, noqonana umadda isku tiirsan oo leh gacmaheeda ku heysata cuntadooda iyo quutal daruurigooda.

Saddexdaa Ilood ayaa maanta somaliland u baahan in loo helo maalgashi balaadhan, Loogana faaideysto shirka 14 October 2014 ka furmaya London ee lagaga Hadlayo Ganacsiga iyo maalgashiga somaliland.

Waa fursad aad u qaali ah Mudana in aan la dayicin beesha caalamka iyo indhaha aduun weynaha lagu soo jeediyo fursadaha balaadhan ee somaliland yaal. Shirkani hadii sida ugu haboon looga faaideyso waxaa Jaaniskii ugu fiican ee somaliland guud ahaan intey jirtay ay heshay, Waxana yaala maanta shirkaas fursadii lagu heli lahaa maalgashi baalaadhan.s

Ictiraaf in la helo waxaa ka muhiimsan in kor loo qaado horumarka dalka dadaalna loo galo sidii somaliland loogu heli lahaa fursado la mid ah kuwan maalgashiga, beesha caalamkuna inaga aqbali karto wadankeena iyo dalkeena ku horumarin karno.

Waad Mahadsan tihiin

 

Fouad Abdisalam

waheliye08@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories