HomeFurayaasha Qalbiga Gabadha

Furayaasha Qalbiga Gabadha

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Gabadhu abuur ahaan waa xasaasi, waxa aanay jeceshay kalgacal iyo shucuurta naxariista iyo koolkoolinta lihi in ay udub dhexaad u noqoto nolosheeda, marka la eego xidhiidhka ay la yeelanayso ninka ay damaca guur ka leedahayna waxa ay mar kasta ku dadaashaa in uu noqdo mid kalgacal xooggan ku dhisan. Laakiin in ninku uu gabadha qalbigeeda hanta waxa ay u baahan tahay furayaal dhowr ah oo weliba isticmaalkoodu xirfad iyo caqli badan u baahan yahay. Waa arrinta uu maanta wargeyska Geeska Afrika la wadaagayo akhristayaashiisa waxa aanu ka soo xigtay majaladda caanka ah ee Sayidatii oo ka faalloota arrimaha haweenka iyo guud ahaanba qoyska:

  1. Dareen: Qalbiga haweenku waa sida ubaxa, markaa waxaa waajib ah in loola macaamilo si taxaddar badan leh, waxa ay mar kasta u baahan tahay jacayl iyo in la dareensiiyo daryeel iyo kool-koolin. Ninka doonaya in uu isjeclaysiiyaa waa in uu tuso in jacaylka ka sokow uu yahay ruux daryeel, xannaanayn iyo kool-koolin ay ka heli karto.
  2. Isfaham: Qaylada iyo rabshaddu gabadha waxba uma soo kordhiyaan, dabeecaddeedana waxba kama beddelaan. Is-fahamka ayaa ah furaha ugu muhiimsan ee nolol qoys oo guulaysata, sidaa awgeed waxaa nin kasta waajib ku ah in uu fahmo waxa ay dhab ahaan xaaskiisu doonayso iyo in uu si dhibirsan ula macaamilo. Xoog la isu-adeegsado iyo madax adaygu waxa ay sii huriyaan colaadda.
  3. Danayn: Gabadhu sideedaba waxa ay jeceshay ninka ay ka dareento in uu xaalkeeda iyo nolosheedu ay muhiim u yihiin. Ninka qalbigeeda hantaana waa ka u muujiya sida ay muhiim ugu tahay, waayo cadowga koowaad ee gabadhu waa wehel la’aanta, cabsida iyo kalsooni darrada, qalbigeeda burburiyaan.

Ninka doonaya in uu gabadha hanto waxaa la gudboon in uu haasaawiyo, ka farxiyo, tusana in uu u yahay wehel garab taagan.

  1. Kalsooni: Ninku ha ku dadaalo in gabadha uu tuso in uu yahay qofka qalbigeeda ugu dhow, ku dadaal in aad kalsooni ku abuurto oo ay iyadu noloshaada udub dhexaad u tahay. Haddii aad aragto mushkilad haysata tus in aad garab taagan tahay, wixii aad la qaban kartana diyaar u tahay. Ogow in kalsoonidu ay tahay arrinta ugu muhiimsan ee jacayl lagaga kasban karo qalbiga gabadha.
  2. Ilaalin: Gabadhu waxa ay nafsi ahaan dareentaa in ay u baahan tahay wehel ammaan ah, tus in aad diyaar u tahay in aad dhinac kastaba adigu waardiyeynayso.  Ku hor ixtiraam ehelkaaga, asxaabtaada iyo carruurtaada oo iska jir in aad hortooda wax aan fiicnayn iyo canaan uga soo jeediso.  Iska jir in cidi hortaada ku tidhaahdo erey dhaawacaya shucuurteeda, waayo gabadhu waa ay jeceshay ninka ay u aragto in uu garab taagan yahay.
  3. Kalgacal: In kasta oo uu dheeraado waqtiga guurku, haddana gabadhu kama weynaato jacaylka ay u qabto in ay saygeeda ka maqasho ereyga ah ‘Waan ku jecelahay’ ha ka gaabin in aad indhaheeda eegto oo aad kelmaddan ku si niyad ah ugu tidhaahdo da’ kasta oo ay tahay, waxaa hubaal ah in ay dib qalbigeeda u furi doonto, ruuxdii firfircoonida iyo kalgacalkii dhalinyaronimana dib u abqaali doonto.

Qalbiga gabadhu waa sida ubaxa, laakiin isaga waraabkiisu waa kalgacal loo muujiyo, haddii uu waayana dhaqso ayaa uu u qaadhaa.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories