HomeFu'aad Aadan Cadde oo ku geeriyooday dalka Turkiga iyo Madaxweyne Siilaanyo oo...

Fu’aad Aadan Cadde oo ku geeriyooday dalka Turkiga iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Shaqsiyaddii Marxuum

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Fu'aad Aadan Cadde
Fu’aad Aadan Cadde Oo ku sugan Cusbitaalka uu ku geeriyooday

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aan Aadan Cadde oo maanta ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla Waddanka Turkiga oo uu muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad u jiifay.

Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan-cadde oo xilalka kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland, ayaa xilligan ku magacownaa La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gobollada Bariga dalka, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo oo shakhsiyaddii hoggaamineed ee Marxuumka ku sheegay siyaasi ruug-caddaa ah oo ku ad-adag mowqifkiisa muwaadinimo isla markaana qayb laxaad leh ka soo qaatay dib-u-dhiska iyo dhismihii qaranimada Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed xambaarsan dhambaalka tacsida uu madaxweynuhu kaga hadlay geerida marxuumka, kaas oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada Somaliland, kaas oo u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Siyaasiyiinta Dalka, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Isimada, Salaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Fuaad Aadan Cade oo ku geeriyooday Dalka Turkiga saaka 15/07/2015.

xagla-toosiye_Fu'aad Aadan Cadde (2)Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay siyaasi ruug cadaadi ah oo ka baxay shacbiga iyo dalka Somaliland, laguna xasuusan doono go’aamadii geesinimada lahaa ee uu ka geystay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka isaga oo dedaal weyn u galay sidii shacbiga Somaliland ee walaalaha ahi ay ugu wada noolaadan, deris wanaag iyo horumar, waxaanu ahaa muwaadin dhab ha oo aan ka gaban mawqifkiisa wadanimo.

Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland isaga oo la soo shaqeeyey guud ahaan madaxdii kala duwanayd ee soo martay hogaanka dalka oo uu ilaa wakhtigan ahaa la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bariga Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Isimada, Sulaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,” Sidaas ayaa lagu sheegay dhambaalka tacsida ah ee madaxweynuhu u diray Ehelka, qaraabada iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuum Fu’aad Aadan-Cadde.

HALKAN KA AKHRISO HADALKIISII U DAMBEEYEY EE UU XAALADDIISA CAAFIMAAD KAGA HADLO

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories