HomeFowziyo Yuusuf Xaaji oo maanta Si Rasmiya loogu dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka...

Fowziyo Yuusuf Xaaji oo maanta Si Rasmiya loogu dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLPOST)Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii iyo Wasiiradii Arrimaha dibada Xukuumadii Ra’iisul Wasaare Saacid Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa maanta si rasmi ah uga mid noqotay Xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya.

sowa

Fowziyo Yuusuf Xaaji ayaa bedeshay kursiga Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jaamac oo dhowaan istiqaalad u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka.

Fadhigii saaka Baarlamaanka ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa lagu hor dhaariyay Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanadii kulanka soo xaadiray, waxaana markii ay dhaarta dhacday kadib lagu soo dhoweeyay Sacab.

Xildhibaanad Fowziyo ayaa gashay booska ama kursiga uu baneeyay Xildhibaan ay isku heyb yihiin, waxaana sidaas dhigaya habka 4.5 ee Kuraasta Baarlamaanka, marka xildhibaan uu is casilo ama uu geeriyoodo in booskiisa xubin kale beeshiisa ama ehelkiisa lagu bedelo.

Fowziyo Yuusuf Xaaji ayaa noqotay haweeneydii u horeysay ee xil Wasiir arrimo dibadeed ka qabata Soomaaliya, waxayna xilligaas ay heysay muddo sanad ah, inkastoo ay dib ugu soo laaban weysay booskeeda ama xil kale oo Wasiir ah Xukuumadii cusbeyd.

Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka doodaya miisaaniyada sanadka 2014 oo ay soo gudbisay Xukuumada, waxaana lagu wadaa in Xildhibaanada ay ansixiyaan muddo 48-saac gudahood.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories