HomeFINLAND: Xuska Qarannimada Somaliland ee 18 May oo si ballaadhan loogu dabbaal-degay...

FINLAND: Xuska Qarannimada Somaliland ee 18 May oo si ballaadhan loogu dabbaal-degay iyo Danjire Saamiya Muuse oo Ka Hadashay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Helsinki (SLpost)-Munaasibad lagu xusayey maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu qabtay magaalada Helsinki ee dalka Finland, ayey ka qaybgaleen Jaaliyadda Somaliland ee dalkaas ka sokow Musharrixiin, Mudanayaal iyo Siyaasiyiinta dalkaas xubno ka tirsan iyo weliba Jaaliyadda reer Ciraaq ee dalkaas ku dhaqan, sida ay sheegtay Safiirka Somaliland u fadhida Finland Saamiya Muuse.

blank

Munaasibadda oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Somaliland ee dalka Finland oo ay hoggaaminayso Danjire Saamiya Muuse oo sheegtay inay farxad iyo sharaf u tahay qaabka loogala qaybgalay dadka reer Somaliland ee Finland xuska maalinta qarannimadooda ee 18-ka may oo ay sii qabteen habeen-hore amma kawdii Ramadaan, waxaana sababta ay u soo qaddimeen ay ku sheegtay iyadoo dalkaas looga diyaar-garoobayo Doorashada Baarlamaanka Yurub, iyadoo Xisbiga talada dalkaas haya u xushay Saamiya Muuse inay u metesho isla markaana ka mid noqoto Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka Yurub u qaabilsan xisbigeeda, taas oo 26 May qabsoomi doonta. 

Munaasibadda waxa si weyn uga qayb-galay oo shiday Fannaaniin kala duwan oo Rag iyo Dumarba leh oo Heeso waddani ah ku soo badhigay xafladdaas.

 

Munaasibaddaasi sidii ay u dhacday, hadalladii iyo suugaantii lagu soo bandhigay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

Qoraal ay Wakiilka Somaliland ee Finland Saamiya Muuse soo gaadhsiisay Warbaahinta oo ay kaga hadashay munaasibaddaas dadkii kala qaybgalay oo ay si weyn ugu mahad-celisay, ayaa u dhignaa isdatan:-

blank

“Waxaa sharaf weyn noo ahayed in nagala soo qayeb galeen Xubnaha u sharraxan Xildhibaannada Golaha Barlamaanka Midawga Europe (EU) ee doorashada dhici doonta 26 May 2019, Mudane Pekka Shemeikka o ah diplomacy sare oo ka tirsan sanduuqa Guddiga Caalamiga ah ee SDWG Pekka Shemeikka, Marwo Jaana Ylitalo o ah Agaasimaha Guud ee wadajirka ah ee PAM Association of Industries iyo Xildhibaanadda Golaha Degaanka ee Espoo Habiiba Ali.

 

Waxaan dhammaan ugu mahadnaqayaa dadkii ka soo qayebgalay xuska 18 May, Haween, Odayaal, dhalinyaro iyo jaaliyadda Iraq ee magaalada Helsinki ee dalka Finland, waxaanan dhammaan leeyahay qof kasta o garab iyo taageero igu siiyay BEERKA KA OGSOONI. Midnimo Walaalnimo Gobonimo Somaliland.

 

Waxa xusid mudan inaan ku guulaystay inaan ka sii mid noqdo guddiga doorashooyinka Baarlamaanka Yurub ee dhici doonta 26-ka May oo aan u metelayo xisbiga haya talada Finland, iyagoo aniga ii aqoonsaday xubin firfircoon oo hawlaha xisbiga qayb ka ah.

 

Xisbiga talada haya ee Finland ee hawshaas ii xil-saartayna waxa uu danaynayaa inay xidhiidh la yeeshaan Somaliland,”Sidaa ayey qoraalkeeda ku tidhi Saamiya.

 

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories