HomeFILSAN AXMED: Haweenaydii u horeysay ee Soomaali ah oo Wasiir ka Noqotay...

FILSAN AXMED: Haweenaydii u horeysay ee Soomaali ah oo Wasiir ka Noqotay Dowladda Federaalka Itoobiya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Addis Ababa (SLpost)- Xukuumadda Federaalka ee Itoobiya ayaa Markii ugu horreysay lagu soo daray gabadh Soomaali ah oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Haweenka, Dhalinyarada iyo Carruurta.

blankRaysal-Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xilkaas u magacaabay Filsan Cabdullaahi Axmed oo ah guddoomiyaha telefishanka NabadTV oo xaruntiisu tahay magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida.

Wasiir Filsan ayaa in muddo ah ahayd qof u dooda xuquuqda haweenka iyo Carruurta, waxaanay muddadii ay hawlahan ku jirtay aasaastay telefishin u ololeeya nabadda oo lagu magacaabo Nabad TV.

“Waa guul Soomaalida usoo hooyatay, in gabadh Soomaaliyeed wasiir loo magacaabo, tan labaad, muddooyinkii ugu dambeeyayba waxaan aad uga hawgalay Telefishenka Nabad TV, oo in badan waxaan u istaagay xuquuqda haweenka deegaanka”, Sidaas waxa tidhi Filsan oo u warrantay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Filsan oo ka hadlaysay sababta ay ugu dhiirratay inay u dooddo xuquuqda haweenka, ayaa tidhi, “Si gaar ah waxaan ugu istaagay haweenka deegaanka, oo aan ka dhex muuqanin xisbiga cusub ee loo dhisay deegaanka Soomaalida, sidoo kalena waxaan olole ugu jiray sidii loo hagaajin lahaa nolosha carruurta”.

“Waxaan rajeynayaa inaan guulo fiican kasoo hoyo xilkan la ii magacaabay ee Wasiirka Haweenka, Dhalinyarada iyo Carruurta, haddii Alle Idmo”, ayey tidhi.

blank
Filsan Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Cusub ee Haweenka, Dhalinyarada iyo Carruurta ee dalka Ethiopia

Go’aanka gabadhan Soomaalida ah loogu daray Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa qeyb ka ah isbeddallada uu la yimid Raysal-Wasaare Abiy Axmed tan iyo markii uu xilka qabtay sannadkii 2018-kii.

Mr Abiy ayaa hormuud u noqday isbeddel siyaasadeed oo ka curtay Itoobiya, kaasoo saameyn aad u weyn yeeshay.

Tallaabooyinkii ugu waaweynaa ee uu qaaday waxaa ka mid ahaa inuu sii daayay maxaabiistii arrimaha siyaasadda u xidhneyd iyo inuu xor ka dhigay warbaahinta.

 

@BBCSomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories