HomeFilimka Cusub Ee ‘No Escape’ Waxa Uu Ka Turjumayaa Cabsida Argagaxiso Ee...

Filimka Cusub Ee ‘No Escape’ Waxa Uu Ka Turjumayaa Cabsida Argagaxiso Ee Ay Qabaan Dadka Maraykan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Washington (SLpost)- Markii ugu horreysay ee la qorayey qisada filimkan waxa uu magaciisu ahaa The Coup “Afgembigii” waxa uu ka waramayaa qoys Maraykan ah oo xilli ay dalxiis ku joogeen mid ka mid ah dalalka Bariga Eeshiya si kedis ah uu afgembi Milateri uga dhacay dalkii ay joogeen. Laakiin argagaxisada dunida maanta ku sii badanaysa ayaa markii dambe qasab ka dhigtay in magaca filimka laga beddelo Afgembigii.  Duruufta ay qoyskani la kulmayaan (Filimka dhexdiisa) oo ay ka mid tahay argagaxiso dilaysa cid kasta oo shisheeye ah oo dalka joogta ayaa qasab ka dhigtay in magaca filimka loo beddelo “No Scape” oo aynu ku macnayn karno “Meel loo firdhadaa ma jirto” taas oo looga dan leeyahay sida ay lama huraan u tahay in la waajaho argagaxisada cid walba ku xeeran ee dadkii Maraykan meel kasta oo ay joogaan cabsida ku haysa.

Filimkan oo qaybo yar oo qisadiisa iyo qaybo yar oo horudhac ahi uun illaa hadda ka soo baxeen waxaa soo saaristiisa iska kaashada John Erick Dowdle oo qoraalka filimka ay iska kaashadeen walaalkii Drew Dowdle. In kasta oo uu filimkani mallow-awaalayo qisada Afgembi Milateri oo ka dhacaya mid ka mid ah dalalka Eeshiya, kadibna xaaladda ka dhalatay ay khatar ku noqonayso masiirka qoys Maraykan ah oo dalka ku noolaa, haddana John Erick Dowdle waxa uu ku guulaystay in wasaaradda dalxiiska ee Thailand uu ku qanciyo in filimka dalkeeda lagu jilo.

Qisada filimku waa Jack Dwyer oo ah ganacsade Maraykan ah oo go’aansanaya in isaga iyo qoyskiisu ay xilliga fasaxa ku soo qaataan mid ka mid ah dalalka Eeshiya, oo ay guri hore uga iibsadeen. Jilaaga filimada Maraykanka caanka ku ah Owen Wilson oo isagu shakhsiyaddan metelayaa ayaa isaga iyo qoyskiisu ay ku xannibmayaan dalkan ay dalxiisa ku tageen oo uu ka dhacayo afgemi milateri oo aan si buuxda u guulaysan, dalkana u horseeday fawdo.

Qoyskan iyo dadkii kale ee shisheeyaha ahaa ee dalkan ku noolaa ayaa fawdada dhacday awgeed waxa ay bartilmaameed u noqonayaan dhinacyo colaad ba’ani ka dhex qarxayso oo isku haya talada dalka, waxaana shisheeyaha lala beegsanaya falal argagaxiso oo noloshooda khatar ku ah.

Filimkan oo bishan aynu ku jirno ee august si rasmi ah loo baahiyey, waxa uu sawirayaa nolosha argagaxa iyo silica leh ee uu isu beddelay dalxiiskii qoyskani ku tegey dalkan, qisaska naxdinta leh ee dhacayana waxaa ka mid ah dhowr jeer oo si aad u argagax iyo cabsi badan qoyskan berida ah loo beegsanayo, iyo qoyska oo sabab uun aakhirka u noqonaya bartilmaameed cid kastaa ugaadhsanayso. Waa filim xambaarsan aragti caddaynaysa heerka amni darro ee dadka Maraykan ay dareemayaan dunida oo dhan meel kasta oo ay joogaan iyo sida ay u noqdeen dad dhinacyo kala duwani beegsanayaan.

Marka aynu soo koobno filimka ‘No Escape’ waxa uu caddaynaya in argagaxisadu ay dunida oo dhan khatar ku hayso, xitaa dalalka hore loo aaminsanaa in ay yihiin kuwa dunida ugu xasiloon oo ah dalalka qaaradda Eeshiya, waxa kale oo uu si cad uga turjumayaa dareenka ku beeran ruuxa Maraykan ee ah in aanay noloshiisu meelnaba ku aamin ahayn iyo in isaga iyo dalkiisa ay is huran yihiin in ay is-waajahaan waxa ay reer galbeedku argagaxisada u yaqaannaan.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories