HomeFilanwaa! Qaybtii 2aad

Filanwaa! Qaybtii 2aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Markay ciyaartii aroosku dhammaatay ayaan u soo baxay debeda hoolka xafladda aroosku ka socotay, anoo doonaya inaan ku nasto ubaxa ka baxay beerta hudheelka dhexdiisa. Waxaan ku kulnay iyada oo kursi ku fadhida ubaxa dhexdiisa oo aad moodo inay xusayso xasuus raagtay oo kalgacal ku reebay, doogtiisana ay ku kiciyeen heesaha jacaylka hibitiqaya ee laba dhacaayay farxada lammaanaha aqalngalkooda la jooogo. Haasaawaha hadba labadii gayaana ee is fahmaa goonay u baxayeen si ay u kala dan dhammaystaan, waa aroos iyo caadadii. Sidii dayax shan iyo tobnaada ayay nuurisay ubaxay dhex fadhiday, joogeeda iyo jamaalkeeda waxa u dheer jiniyada qofka arkaa aanu ka ag dhaqaaqayn, waa dhabeel qurux iyo qiimo ALLE u dhammeeyay oon dhanna ka dhantaalayn, waa heego muuqdheer aad moodo hoobaan.

Salaan diiran iyo bariidaan la boobay iyana waxay ii soo dhawaysay si cudoon oo qadarin badan hawraar iyo kaftan googoosa ayaa na dhexmartay. Waxaan waydiiyay magaceeda anoo danaynaya inay na dhexmarto barsho xeeldheeri, warcelin tolmoon ayay iigu jawaabtay “magacaygu waa Gobaad” waxaan ugu war celiyay oo aan si debecsan ugu sheegay annigana magacaygu waa Dhamme. Barasho wanaagsan, Gobaad waa bilcaan u dhalatay dabeecad wanaag iyo dadnimo xeeldheer, qofkay is bartaan Kama xiiso gooyo xikmada maskaxdeeda, hawraata hadalkeeda iyo hab-maamuuska qofnimadeeda. Waxay ahayd inan sheeko badan oo aad u furfuran asxaabteeduna aad u badan yihiin. Barsho kalgacal oo xiise iyo xaamasad badan ayaa na dhexmartay habeenkaa. Niyadaan ka idhi “Allaylehe waa boqol kala bax, ha dhaafin hana seegin boqol-dhaantan” waxaan waydiiyay mar labaad lambarka mobilkeeda, si aan karah ku jirin oo farxadi ka muuqato ayay iigu dhiibtay toddobadii xaraf ee lambarkeeda, lexejeclo aan ka qabo daraadeed waxaan aamini waayay inaan gasho mobilkayga gacanta, waxaan ku xafidkay qalbiga!, anna si aan hagrasho lahayn ayaan lambarkaygii u siiyay Gobaad.

Xafladdii markay dhammaatay ayaan u guureeyay jihadii xaafaddu iga xigtay, intaan jidka ku sii jiray waxa maskaxda i ruxayay dareen aanan garnayn si uu ii saaqay, waxaan sawiranaayay kolba Gobaad oo aanu noqonay lammaane nolosha weel ku wadaaga. Markaan soo gaadhay gurigayagii anoon cashayn oon weli salka dhigin ayaan la soo baxay mobilkaygii gacanta, lambarkeeda waxaan ku xafiday qalbiga markiiba waxaan qoray tiradii lambarka, waxaan raagsanayay oo aan sugi kari la’aa intay qabanayso mobilka.” hallo Gobaad waa malxiiskii arooska ee aad hadda kala dhaqaaqdeen ma nabad tagatay gurigii walaal. “Intay qososhay ayay I tidhi haa malxiis waan gaadhay gurigii arooska waxaan hadda u diyaargaroobayay inaan seexdo”. Kaftan iyo haasaawe debecsan ayaanu isku harqinay. Sheekadayadu waxay ku saabsanayd inta badan hab-maamuuskii arooska aanu malxiiska iyo malxiisada u ahayn. Intaanu wada hadlaynay habeenkaa waxaanu isu fahanay si qoto dheer oo kalsooni iyo kalgacal ku abuurmi karo, waxaanu is la meel dhignay inaanu sheeko wadaag noqono oo xidhiidh qota dheeri na dhexmaro. Habeenkaa aad baan u faraxsanaa wuxuu ahaa habeen xasuus maguurto ah igu reebay oo ilaa haddana aan xasuus nahay. Habeenkaa hurdo indhaha isuma keenin sidaan kolba u xasuusanayay dareenkii xafladda arooska. Markaan indhaha is geliyaba waxa lay horkeenayay Gobaad.
la soco…………………………

Maxamed Sidiiq Dhamme

Msadiiq1@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories