HomeFilanwaa! Qaybta 1aad.

Filanwaa! Qaybta 1aad.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

 

 

 

Maxamed Sidiiq Dhamme.

 

Cad wadanaha ku yaalad

Cuddooneey ahaydoo

Cindigayga weligaa

Caku kama baxaysid!

 

Waxaanu isku baranay xafladdii arooska Raage oonu saaxiibo isku naf iyo nolola ahayn, habeenkaa qalbiga ayaan ka ahaa aroos, waxaan xidhnaa suudh-ka caruuska mid u eeg. Waxa uu ahaa habeen jimce barkhadle ah, cirka waxa hoganayey daruuro mahiigaan faraqyada ku sita. Galabnimadii habeenkaasi waxa da’ay roob lagu doogsaday oo magaalada maasheeyay, saxalkii iyo boodhkii jilaalkana ka jafay dhulkii engegnaa. Naxariista xareedda daadsan dhulka waxa dheeraa saxansaxada udgoon ee sanka lala raacayo. Xafladaha aroosyada inkasta oo aanan jeclayn, haddana habeenkaa wax kalaa laga wadee waxaan isku baranay qof naftaydu u raacday si dhab ah, niyaddana ku sidigtay jacayl aan salguurayn.  Marba hees farxad aroos tiicaysa waxaan dhagaysannaba oo laba-laba laysagu kaco qoob ka ciyaarka, waxa la gaadhay markaanu aniga iyo caruusku ciyaarsiin lahayn boqoradda iyo malxiisadda, sacab iyo sawaxan ayaa is qabsaday markaanu kacnay. Waxa naloo saaray hees degen oo naftu ku raaxaysanayso, waa heesta uu qaado fanaanka codka dahabka ah leh ee Cumar Shooli.

 

“Sida laago roob helay,

 xareedii ka lagac tidhi,

 lala raacay indhahaa,

 arooskeenu laacee”

 

Sida laan dhebiya oo gebi ka laalaada ayaan hadba dhinac u leegleeganay, lammaanihii iyo labadayada kaleba. Hinaasaaba i galay waxaan kolba niyadda ka idhaadaa tolow caawa may ahaato habeenkaagii iyo maadan gashaanti tima-dheer la dheelilahayd ciyaarta arooska. Malxiisaddu waxa ay ahayd inan aad moodo in laga soo xulay boqol cadradood, marka aad eegto qotonkeeda iyo quruxdeeda. Hallaasiga ciyaarta waxa ay kaga dartay dhoolla ka qosolka ku dhaawacaya markaad dheehato. Intii aanu ciyaaraynay anigu waxaan ku maqnaa oo aan eegayay kor ilaa kal joogeeda, kolba daymadaan tin ilaa cidhib ku dhammeeyaa, haddana waan ku celiyaa eegmada mararka qaar sidaan u eegayo waxaba iga lumaysay ciyaarta oo waxaan is arkayay anoo ka baxay xadka. Lama aan hadal oo waqti la hadlo lama taagna sidii islaan Saar hayo ayay isla maqantahay oo maba joogto meesha. Niyadda ayaan iska idhi malaha sidaada ayay mayracanaysaa dareenka xiisaha badan ee kugu gadaaman, mooyi! Oo miyaan arkayaa qalbigeeda. La soco ………………

 

Maxamed Sidiiq Dhamme

Msadiiq1@gmail.com

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories