HomeFiditaanka HIV/AIDS oo Somaliland hoos u dhacay iyo isbarbar-dhigga sida uu u...

Fiditaanka HIV/AIDS oo Somaliland hoos u dhacay iyo isbarbar-dhigga sida uu u Saameeyey Dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha komishanka Qaranka iyo la dagaalanka xannuunka HIV-AIDS Maxamed Daahir Kheyre, ayaa maanta ka warbixiyey marxaladda cudurka AIDS ka marayo Somaliland iyadoo gudoomiyuhu ku bushaareeyay inuu hoos uga dhacay heerkii uu sannadkii hore marayey.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in awoodda la saaray gaadhsiinta bukaanka dawooyinka loo isticmaalo xannuunka, isla markaana ay maalin-ba maalinta xigta soo kordhayaan dadka doonayaa inay isa-soo bandhigaan oo ay dawooyinka qaataan.

blankGuddoomiyaha oo ka hadlayey tiradda dadka qaata daawooyinka cudurkan halista ah, ayaa sheegay in ugu yaraan 1,000 ruux ay xafiisyada Komishanka ee goboladda  dalka ay ka qaataan daawooyinkaas, waxaanu caddeeyey in inkasta oo khatarta xannuunkani ay weli taagan tahay, haddana fiditaankiisu uu hoos uga dhacay gudaha Somaliland qiyaas dhan 1.3%.

Cudur-dhaliyaha HIV ee keena Xannuunka halista ah ee AIDs, ayaa faro-baas ku haya dunida, siiba qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Saxaraha ka hooseeya oo lagu tilmaamo gobolka ugu badan ee uu xannuunkani saameeyey marka loo eego adduun-weynaha waxaana la qiyaasaa tiro ku dhow 23 Milyan oo qof oo ku nool dalalka Saxaaraha ka hooseeya, ay xannuunkan la nool yihiin.

Tirada dadka la nool jeermiska HIV iyo tirada dadka u dhimanaya cudurka jeermiskani ka dhasho ee AIDS, ayaa dalalka Afrika aad ugu kala duwan yihiin. Waxa la tilmaamaa in dalal dhowr ah oo Somaliland iyo Senegal ka mid yihiin, tirada dadkooda la nool cudur-dhaliyaha HIV ay ka yar tahay 1%, halka dalalka Namibia, Zambia iyo Zimbabwe tirada dadkooda la nool jeermiska HIV lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 10% ilaa 15%. Dalka Koonfur Afrika ayaa lagu sheegaa inuu yahay waddanka ugu badan ee shacabkiisu u dhintaan cudurka AIDS in kasta oo tirada dadka la nool jeermiska HIV ay ka hooseyso saddexda waddan ee Botswana (24.8%), Lesotho (23.6%) iyo Swaziland (25.9%) oo ah dalka ugu badan Afrika ee ay ku nool yihiin bukaan la nool Cudur-dhaliyaha HIV.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories