Home“Faysal marna daahir kamuu ahayn Soomaaliya oo ilaa xiligii Maxkamadaha ayuu la...

“Faysal marna daahir kamuu ahayn Soomaaliya oo ilaa xiligii Maxkamadaha ayuu la xidhiidhi jiray” – Wasiirka Warfaafinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad), ayaa maanta si adag u naqdiyay kulankii habeenkii Sabtidii uu magaaladdaBirmingham kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa Arrimaha dibadda.

Wasiirku waxa uu ku eedeeyay Guddoomiyaha UCID inuu ummadda reer Somaliland u cadeeyay inuu u socdo Soomaaliya. Waxa kale oo uu tilmaamay in Guddoomiyaha UCID uu xidhiidh iyo gacan saar la lahaa Soomaaliya illaa cahdigii maxkamadihii islaamiga ahaa haysteen Koonfurta Soomaaliya.

Md. Abiib Diiriye waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu naqdiyay siyaasadda Guddoomiyaha UCID, waxaanu shacbiga ugu baaqay inay qiimeeyaan masuulkii u xiiraya iyo kii hool-hoolaya.

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayay kulankii dhex Maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu yidhi

“Sidaad la socotaan website-yadda  waxaad ku arkayseen Faysal Cali Waraabe oo la cashaynayay madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa khaarajiga runtii arrintaasi layaab ayay Somaliland ku noqotay shacab iyo xukuumadba, mahadho ayay noqotay oo dadkii jahwareer  ayay ku riday , waayo Faysal ma aha nin caadi ah waa gudoomiyihii xisbiga mucaaridka ee UCID waxa uu  ka mid ahaa ergadii madaxaweynaha u raacday  Turkiga ee wadahadalada aanu Soomaaliya la galaynay ayuu ka mid ahaa.”

“Markaa dadkii isagoo taa og waxa wax lala yaabay noqotay  inuu hadana halkan ka fudkudiyay, go’aan baa la soo wada qaatay shirkii London waynu diidnay  inaynu ka qayb galno sababtuna waxay ahayd madaxaweynaha Soomaaliya ayaa shir gudoominayay go’aan baa la soo qaatay, Faysal go’ankaa wuu la soo qaatay ka mid buu ahaa cida go’aankaa qaadatey. »

Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi ‘Dadku arrintaas qof sida uu doono ayuu u turjumanayay qaar Faysal ku tilmaamayay khaa’inul  waddan laakuin, anagu odhan mayno, waxaan leenahay Faysal maadaama uu gudidaas ka mid ahaa maadaama aanu (mandate) u haysan, waxa  xilka umaddu saaran yahay oo (mandate) haysta madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu albaab walba  oo danta qaranku  ku jirto garaaco  oo waliba waxaynu ognahay marka arrimahan oo kale uu kala tashado golayaasha qaranka”.

“Faysal gudoomiyihii xisbi mucaacida ah inuu halka tago oo uu hor fadhiisto raggii aynu is haynay ee aynu diidanayn, arrintaasi la yaab bay ku noqotay,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Faysal wad kawar-haysaan in badan ayay afkiisa ka soo baxaday shir qaran hala qabto, waxaan leenahay waxa uu u ham iyo dig lahaa halkan (Soomaaliya)  ayay ahayd, waxa igu maqaalo  ah jaraa’idka oo qaarkood arrintaa wax  ka waydiiyeen  inuu dafiray arrintaasina arrin la dafiri karo ma aha.”

abiib“Faysal ninkii ugu fogaa ayuu ahaa dawlada Somaliya ayaanu odhan jirnee isagu waxa uu odhan jiray walawayn, waxa maanta isbedalay iyo halka Faysal tagay iyo sida uu yahay jawaabteeda  dadka ayaa ka jawaabi doona, baroortu  orgiga ka  weyn,”ayuu yidhi Md. Abiib Diiriye.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu ku dooday in Guddoomiyaha UCID u socdo dhinaca Soomaaliya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anigu waxaan aaminsan nahay in Faysal xagaa (Soomaaliya) uu  u socdo.  Dadkuna way  ogaadeen, dadka isagaa qaranimada dalka leh anagu (xukuumada) adeegayaal ayaanu  u nahay in shacabku ka hadlo oo uu soo jeedo oo shacabku ka u xiiraya iyo ka hool-hoolaya kala ogaado waa lagama maarmaan. Markii Turkiga la tagay ayay Faysal nin isa salaameen markaas ayuu ninkii  ku yidhi ma igaranaysaa ?,  markaas ayuu Faysal yidhi maya. Ninkiina wuxuu ku yidhi  waxaan ahay ninkii  Sh. Shariif  idin xidhiidhin jiray ee aad la soo hadli jirtay ee  idiin dhaxeyn jiray, markaa Faysal waligii daahir kamuu ahayn Soomaaliya oo illaa  maxaakiimtii ayuu xidhiidh la lahaa taas ayaaba marag ma doon ah runtii,” ayuu yidhi Md Abiib-Tima-cad

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories