HomeFaysal Ma Waalnee Dowlada Maskaxda yar baa waalan

Faysal Ma Waalnee Dowlada Maskaxda yar baa waalan

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Shalay bay ahayd markii Gudoomihii Kulmiye (Silaayo) uu hanjabaada iyo aflagaadada aan kala go’a lahayn.. kuna soo wada koobi karin halkan ay muncaarinadadiisu ahayd.

Shalaybay ahayd ninka xilka ka weyn loo dhiibay(Xirsi)  ee la daala dhacaaya, xilka qaran ee uu hayo ku qaldaaya xafiisyadii Dahabshiil ee uu islaamada ku dhibi jirey.  Shalaybay ahayd markii   uu baabuurta qoryaha ku xidhaayey.

Shalaybay ahayd marka madaxweynihii dhamaa ee dalka lagu aaminay saqdii dhexe lasoo toosay UF iyo AQAS sidii dumar (Nin kuu xigga naxliga kuu galaa, nudiga kaa gooye).

Shalaybay ahayd markii suaasha la weydiiyey ee sidii caadadu u ahayd cadho cadiifadeysan ku jawaabey ee lahaa hanala ixtiraamo (London)

Shalabay ahayd wasiirkii dhamaan ee qurbo jooga ingiriis-ku meelkasta uga yimaadeen si uu wax ugu sheego, la shiryimi gabay iyo hanjabaadii ruush…se umadii lamay yaabin waayo inintii yareed ee mudada u xidhnayd ayaan la ogaa markaa inay waxkastaa ka suurowdo cidi kama ay hadsoonayn.

Wallee  tan in gorayo heeryaysanina way inagu soo mari, Intaas oo marxaladood inagoo la soo marnay sadexdii sanno ee ay xilka hayeen iyo waliba qaar kale oo badan, uguna dulqaadanayna, cabudhin, boob, dhac, dil, hanjabaad iyo maamul xumo, miyey maanta cay iyo aflagaado ku darsadeen.

Waxaan layaabey labada nin ee kala ah Xirsi iyo abdi dheere afkooda iyo erayada ay isticmaalayaan oo u eeg kuwii maqaaxida danlaawe iyo mafriska saaqidiinta. jawaabna siday u hadlayeen baa inoo ugu filan, waxayna yahiin laba nin xil oo culus umada u haya talow yaa saaqidnimo u dhashay?…

Xirsi eedii uu soo jeediyey daliil kumuu darin oo waxa uu cadayn ku sheegayo ee uu leeyahay faysal inuu khaainul wadan yahay waxaa cadayn u ah kan iyo kan iyo kan muu dhihin..sidaad uga sugayso inuu facts soo bandhigo ayuun buu khadkaba ka baxayaa oo uu bad kale iyo cay bilaabayaa. waligay maanta ka horba maan dhagaysan waxaan moodayay inuu intan dhaamo ee waa waaba MR ama wasiir Zero. Tallo: Fadlan dhiigshiil iskaga noqo.

Abdi dheere waxaan u malaynayaa in layidhi hadal se  aanu isba waydiin waxii uu odhan lahaa, markaa xalay marfiskii saaqidiinta ee uu fadhinyey ku hadraayo saaka.

Umada Reer Somaliland waxaan u sheegayaa in lagaadhay waqtigii xukuumadan gacanteena ayeynu ku dooranay layska ridi lahaa intii aan qaranimadeena meel fog laga deydeyin.

Silaayo dalka ma xukumo, waa doorateen oo waad u hiiliseen laakin markii uu intan kayaraaba waa uu rakaab xumaa maantana maqaarkiisa uu baa madaxtooyada dhex yaal oo wax badan ma oga. Dhalinyarada reer somaliland kama liitaan reer masar ayaan filayaa. Raga dalka lexejecladu ka hayso ee ay ka mid yahiim Xasan Ciise & Moh’d Xaashi waxaan odhan lahaa dhakaad iga xigtaanbey dhaxantu umada ka haysaa.

Afka ayaan ka dhowrayey in badan oo waxaan sugaayey maalinta umadu taariikhdii Silaayo hoos u eegi dooto. Waxaan sugaayey maxkamad Silaayo  aan saarilahaa oo suaalilahaa dil madaxdii SNM (hada laga bilaabona way bilaabantey waxna laysu dhowran maayo)oo  ay  kamid yihiin Ibraahim Koodbuur,  Ina Koosaar, Adan Shiine iyo qaar kale oo badan. Xirsina waxaan odhan lahaa hadii aad difaaceyso oday ama uu ku soo direy guriga uu ku jiro eeg (waa quraarad) koleyn hada adna waad kula jirtaaye waayo dhalintii Ahmed dhagax lagu laayen baa kaa dhexqaylinaysee.

Muhamad Jama Koodbuur-Shiine

Gudoomiyaha UK ee xisbiga UCID

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories