HomeFaysal Cali Waraabe: “Waligay waxba ma basaasin, waxa jooga raggii NSS-ta ahaa...

Faysal Cali Waraabe: “Waligay waxba ma basaasin, waxa jooga raggii NSS-ta ahaa ee Cabdillaahi Cirro iyo Cali Warancadde ka midka ahaayeen”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa jawaab ka bixiyey eedayntii uu u soo jeediyey madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isagoo madaxweynaha la beegsaday weerar uu ku bareejaynayo hadalkii iyo eedaymihii madaxweynaha.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu madaxweyna ku eedeeyay inuu ka qayb-qaatay iska horkeen iyo dagaalladii ehliga ahaa ee dalka ka dhacay sannadihii bilowgii sagaashamaadkii. Isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waanu ka filaynay dawladda siilaanyo dul-qaad la’aanteeda, waxaanan sheegay todoba sanno ka hor.

Waxaanu ka yaabnay wakhtiga madaxweynuhu la hadlay, waana wixii aanu ka baqaynay. Shacabka reer Somaliland waanu ka tacsiyeydaynayaa hadallada uu yidhi madaxweynuhu. Faylasha aan ka hayo Siilaanyo, Run ha ahaadeen ama beene, umaddu dhagaha ayay faraha galin doonaan. Qaybihii uu madaxweynahani ka ciyaaray dagaaladii Sokeeyey ee dalka iyo tii halkanka, haddii la sheego, madaxweyne Noqon maayo oo dalkeena ayaan u tudhaynaa.”

Faysal Cali Waraabe oo iska duwaya eedaynta madaxweynuhu ugu soo jeediyey inuu basaasay dhalinyartii UFFO, waxa uu ku dooday inaanu isagu waligii waxba basaasin isla markaana ay joogaan raggii wakhtigaas ka shaqaynayey hay’addii basaasiinta ee dawladdii Soomaaliya, isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “UFFO Kiiskeedu maxkamad ayaa la saaray. Aniguna waligay basaas ma noqon. Waxa jooga raggii NSS ahaa sida wasiirkii hore Daakhiliga Cabdilaahi Cirro, Wasiirkii hore ee duulista hawada Cali Waran-cadde.”

SLpost News Desk

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories