HomeFaysal Cali Waraabe oo Xukuumadaha Xisbiga Kulmiye ku eedeeyey inay Baabiiyeen Hay'adihii...

Faysal Cali Waraabe oo Xukuumadaha Xisbiga Kulmiye ku eedeeyey inay Baabiiyeen Hay’adihii Sharciga dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarad ka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in tan iyo markii uu xisbiga Kulmiye talada dalka qabtay, aanay Somaliland samayn horumarkii laga filayay.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyay Bar-kulanka Clubhouse, ayaa Xukuumadihii kala dambeeyay ee xisbiga Kulmiye ku eedeeyay in ay xagal-daaciyeen horumarkii ay Somaliland ku socotay.

blank“Intii uu Kulmiye qabtay talada dalka, Somaliland horumarkii laga doonayay may samaynin, waxay ku fashilantay arrimihii dibedda, qabiilkuna wuu xoogaystay, hay’adihii dowladda iyo sharcigiina way baa’biiyeen” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay oo kale in Xukuumadaha Kulmiye ay xisbiga WADDANI u ogolaadeen in uu Xildhibaano yeesho isagoon doorasho gelin, taas oo uu sharci-daro ku tilmaamay.

Faysal ayaa sidoo kale ku eedeeyay Xukuumadaha xisbiga Kulmiye in ay mar kastaba la heshiiyaan Golaha Wakiillada iyo Guurtida si ay wakhtiga u korodhsadaan.

“Waxa heshiiya fulinta, baarlamanka iyo Guurtida si ay wakhtiga u korodhsadaan taasoo sharci-daro ah”, ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa ku daray in marka doorashada isku sidkani dhacdo la furi doono Dastuurka, “Waxaanu wadnaa inaanu Somaliland keeno Gole Baarlamaan oo tayo oo leh oo ku shaqeeya Siyaasadda Xisbiyada, markaynu kaa keeno ayaynu Dastuurka furi doonaa.” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories