HomeFaysal Cali-waraabe Oo WADDANI Uga Digay Weedhaha Colaadaysan Ee Ay Bulshada Ku...

Faysal Cali-waraabe Oo WADDANI Uga Digay Weedhaha Colaadaysan Ee Ay Bulshada Ku Dhego-barjeeyeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka dareen celiyey dhawaaqyadii dhiillada lahaa ee shalay kasoo yeedhay saraakiil katirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaas oo ku gooddiyey inay xaalad dagaal dalka ka abaabuli doonaan, waxana uu xisbigaas uga digay inuu dhegaha bulshada maqashiiyo weedhahaas xajiinta leh.

Guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo hadallo dhinacyo badan taabanaya ayaa si gaar ah diirrada u saaray dhiillada colaadeed ee uu  xisbiga WADDANI hore u sheegay inuu dalka ka ridi doono, waxana uu si cad u sheegay inaanu dagaalku ahayn wax si yar loo iclaamiyo, isaga oo ka digay in xisbi qaran ku hadaaqo weedho sidaas oo kale u xajiimaysan.

Faysal Cali-waraabe oo xisbiga WADDANI uga digay weedhaha colaadda xambaarsan ee dareenka bulshada dhaawici kara, ayaa waxa uu yidhi, “Shalay waxa ay lahaayeen waa inoo dagaal, adeer dalkan dagaal sokeeye oo dambe ka dhici maayo, qofkii doonaya inuu waddanka hoggaankiisa qabtaana si sharci ah ha u loollama oo qabiilka haka daayo.”

Guddoomiyuhu waxa uu dawladda ugu baaqay inay sharciyadda marisoo cidda ay xabsiyada dhigto, isaga oo xisbiga WADDANI-na ka codsaday inay waddanka rabashka ka dhawraan, maadaama oo aan wax faa’iido ahi ku jirin, “Dawladda waxan leeyahay dadka aad qab-qabataan waa in sharciga la mariyaa, qolooyinka dadka laga xidhayna waxan leeyahay dalka rabshadda hallaga daayo, maxkamaddana halla sugo, laakiin in mudaharaad la sameeyo oo tolla’ayeey la yidhaahdaa dalkana faa’iido uma laha, adigana faa’iido kuuma laha,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Faysal Cali-waraabe waxa uu si qoto dheer sawir buuxa uga bixiyey nidaamkii mucaaradeed ee ay u dhaqmi jireen xisbigiisa iyo KULMIYE waqtigii ay mucaaridka ku ahaayeen xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale, waxana uu xisbiga WADDANI ee xilligan mucaaridka ah uga digay inay arrin reernimo salka ku haysa wax ku doonaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dalku nidaam buu lahaa oo labadayada xisbi ee mucaaridka ahi waanu is maqli jirney, laakiin waxad mooddaa inay tolla’ayeey socoto, Somaliland-na tolla’ayeey ku socon mayso.”

Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu ka hadlay warar soo baxayey oo sheegayey inay dawladda Soomaaliya ku hawllan tahay sidii ay ciidamo usoo dejin lahayd magaalada Buuhoodle, waxana uu sheegay inaanay wax colaadi ahi halkaas ka dhici doonin, “Marnaba Buuhoodle noqon mayso meel ay reer Somaliland ku dagaallamaan, Farmaajo-na fidno ayuu doonayaa inuu inaga dhex bilaabo, reer Somaliland-na diyaar fidno uma aha oo wada-hadalladii Khaatumo waanu wadnay oo khayr bay kusoo dhammaanaysaa,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

 

Somalilandpost.net

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories