HomeFaysal Cali waraabe oo sheegay in Masiirka Shacabka Somaliland aan lagu aamini...

Faysal Cali waraabe oo sheegay in Masiirka Shacabka Somaliland aan lagu aamini Karin xukuumada Siilaanyo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa Sheegay in haddii xukuumada madaxweyne Siilaanyo ay kaligeed isku koobto wada-hadallada Somaliya ay la geleyso in iyaguna ay tallaabo qaadi doonaan taas oo ah in iyaguna ka Xisbiyo mucaarid ahaan ay wada-hadallo gaar ah la furi doonaan Somaliya, kuwaas oo ku aaddan Madaxbanaanida Somaliland.

FAYSAL-NEWONEFaysal Cali waraabe wax kale oo uu sheegay in Masiirka Shacabka Somaliland aan lagu aamini Karin xukuumada Siilaanyo.

Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta ugu waramayey Madaarka Hargeysa isaga oo ka soo laabtay Safar muddo uu ugu maqnaa Dalka Imaaradka, ayaa ugu horreyn ka hadlay natiijada safarka uu ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka, waxaanu yidhi, “Waxaan muddo safar ugu maqnaa Imaaradka Carabta oo halkaasi aanu ugu tagnay dad jecel somaliland oo karaamo leh, waxa ay nagala hadlayeen arrimo ku saabsan shirkii Dood Cilmiyeedka ee la qabanyo.”

Faysal oo ka jawaab-celinayey hadal shalay ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Md Maxamed Biixi, kaas oo uu ku sheegay inaanay axsaabta mucaaradka ahi kaalin ku lahayn wada-hadallada labada dal, waxa uu guddoomiyuhu yidhi, “Haddii Xuukumadda Siillaanyo isku koobto shirka wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, anaga ka Xisbiyo mucaarid ahaan, waxaanu Somaliya la furi doona Wada-hadalo ku saabsan Masiirka Umadda Somaliland.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories