HomeFaysal Cali Waraabe Oo Qaadacay Muddo-kordhintii Guurtidu U Samaysay Goleyaasha Wakiillada Iyo...

Faysal Cali Waraabe Oo Qaadacay Muddo-kordhintii Guurtidu U Samaysay Goleyaasha Wakiillada Iyo Degaanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga soo horjeestay muddo kordhintii loo sameeyay goleyaasha baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) iyo golayaasha deegaanka ee dalka.

Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbalin karin muddo kordhinta loo sameeyey golayaasha barlamaanka iyo deegaanka. Sidoo kalena waxa uu farriin adag u diray Madaxweynaha dawladda nugul ee  Muqdisho.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi gaar ah oo uu siiyey Telefiishanka SOMALICABLE ee laga leeyahay dalka Soomaaliya, waxaannu xusay  in uu si diirran u soo dhaweynayo talaabo kasta oo loo qaado dhinaca horumarka iyo maalgashiga dalka .

Faysal Cali Waraabe oo la waydiyey Sababta uu taageray maalgashiga Dekedda Berbera iyo saldhigga millatari ee dawladda Somaliland siisay dawladda Imaaraadka Carabta, wuxuu yidhi; “Anigu Somaliland ayaan garab siiyaa oo waxaan aqaan micnaha qaran leeyahay oo sharaf ayaan doonayaa ee hebel baa wax cuna ama xaday micno iima leh.  mashaaricdan waa horumar dalka u soo kordhay oo wax baa la is dhaafsanayaa. dadkan qayilanayaa waxaanay lahayn aqoon, mucaaridnimaddu ma aha in dawladdu waxa ay keentaba aad caydo ee waa in aad caddaaladda ku saxdaa wixii wanaagsan ee ay keenatay, arrintanina waa horumar waana in aynu wada iibinaa.”

Guddoomiye Faysal, waxa uu sheegay in uu yahay xisbiga keliya ee mucaarad ah, waxaana uu meesha ka saaray mucaaradnimadda Xisbiga Waddani; “Aniga uun baa Mucaarad ah, waayo xisbiga Waddani waxa uu ku jiraa dawladdii, waayo wuxuu xukumaa golahii wakiillada, waana iskugu kay mid xukumadda iyo goluhuba. dunidda kamay dhicin nin ku mucaarid ah  dawladdii uu ka tirsanaa, haddii uu mucaaradayo waa inuu ka baxaa dawladda,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Faysal Cali Waraabe oo wax laga waydiyey sababta uu ku diido midnimada Soomaaliya, waxaannu yidhi’ “Dhibaatada maanta haysata Soomaaliya waa isku darkii, waana khaladka ugu weyn ee dhacay markii Somaliland iyo Soomaaliya laysku daray. waa ta maanta halkaa ina dhigtay, isku darkii ka dhacay Itoobiya iyo Ereteria  khalad ayuu ahaa waana kii la saxay. isku darkii Sinigaal  iyo Gambia isna khalad ayuu ahaa waana la saxay. markaa khaladka dhacay ee xasuuqa keenay ee burburiyay shaciirkii Soomaalinimo waa dawadiisii in Soomaali la kala gooyo, waana dawadii geeska Afrika, waxaa berigaana wayday in shan Soomaaliyeed la helo shantii Soomaaliyeed suurto geli wayday..”

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Madaxweyne Muqidisho ay ku ilaaliyaan ciidan shisheeye ahi in uu Somaliland ka hadlo waxaan u arkaa caqli xumo, markaa horta isagu ha is haagjiyo, weliba waxaan jeclahay in aan la hagaajiyo.”

Ugu danbaytii waxaa wax laga waydiiyey sida uu u arko muddo kordhin ay golaha Guurtida Somaliland u sameeyey qaybaha kala duwan ee dawladda waxaanu yidhi; “Waxa jirta abaar Alle ha innaga dulqaadee, Muddo kordhintan cudur Somaliland ka jira ayuu noqday. Waxaa  keenay dastuurkayaga ayaa qaydhin ah oo ninba dhinaca uu doono ka soo galayaa, markaa annagu haddii aanu UCID nahay, dastuurka ayaanu furnayaa oo meelaha madowgu ka soo galayo ayuunu ka hagaajinaynaa. maalintii dhawayd guurtidu si fiican ayay yeeleen oo bil kaliya ayey ku dareen. Laakiin,  sida ay labada gole  ee degaanka iyo barlaamanka ka yeeleen wax la ogaalan karo ma aha, anigu haddaan soo baxo labadaa gole waan kala dirayaa.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories