HomeFaysal Cali Waraabe oo markii Afraad loo doortay Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo...

Faysal Cali Waraabe oo markii Afraad loo doortay Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Taariikh Cusub oo uu dhigay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa ku soo xidhmay shirweynihii 4aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo shalay furmay, waxaana lagu hoggaanka cusub ee xisbiga hoggaamin doona shanta sanno ee soo socda.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa markii 4aad loo doortay Guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID oo uu soo hoggaaminayey muddo 20 sanno ah tan iyo markii la aasaasay Xisbigaas sannadki 2001-dii.

blankWaxa kale oo shirweynaha lagu doortay Lix guddoomiye ku-xigeen, waxaana guddoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, guddoomiye ku-xigeenka 2aad loo doortay guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Golaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil, halka Ismaaciil Faysal Qaadhuux, Siciid Cumar Axmed iyo Canab Cabdi Xirsi loo doortay guddoomiye ku-xigeennada 3aad, 4aad iyo 6aad, waxase wali bannaan booska guddoomiye ku-xigeenka 5aad oo la sheegay inuu Keyd (Reserve) yahay, lamana sheegin cidda uu keydka u yahay iyo goorka la buuxinayo.

Waxa kale oo shirweynaha lagu doortay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID oo loo cumaamaday Ibraahin Cabdi Xuseen, halka ku-xigeenka Xoghayaha Guud loo doortay Maxamed-Khadar Daahir oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somalialnd.

Xoghayaha Guud ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID ayaa loo doortay Cabdicasiis Xaamud Axmed.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa doorashada kaddib u mahad-celiyey ergooyinka ka qayb-galay shirweynaha xisbiga UCID, waxaanu sheegay in hankiisu yahay horumarinta Somaliland.

“Waxan idiinku mahadnaqayaa mar haddaad mar afaraadkii i doorateen oo shan sanno oo danbe i doorateen, anigu dalkan waxaan u imid in aynu Qaran noqono, oo halkaynu adduunka kaga jirnay galno,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo noqonaya guddoomiyihii iyo musharixii ugu muddada dheeraa hoggaaminta Axsaabta Siyaasadda ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories