HomeFaysal Cali Waraabe Oo Ka Jawaabay Sababta Uu Komishanka Doorashooyinka Xubinta Xisbiga...

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Jawaabay Sababta Uu Komishanka Doorashooyinka Xubinta Xisbiga Ucid uu Ugu Soo Magacaabo Beeshooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)-Eng, Faysal Cali Waraabe oo bulshadu su’aalo ku waydiinaysay barnaamij telefishanka HCTV qabtay ayaa la waydiiyay sababta uu masuul kasta oo uu u magacaabo Komishanka doorashada uga dhigo mid ay isku reer yihiin, haddana xukumadda ugu dhaliilo qabyaalad, dadkana uga wacyi galiyo qabyaaladda.

Eng. Faysal oo arrintaasi uga jawaabay si furfuran oo xaqiiq ku dhisan ayaa sheegay in masuulkii u horeeyay ee uu Komishanka u magacaabay ku shaqayn waayay siyaasaddiisa kadibna uu go’aansaday in qof ay isku hayb yihiin oo uu ku kalsoon yahay halkaasi geeyo, taasina ay sababtay in afar masuul oo uu u magacaabay Komishanka doorashada ay Faysal isku hayb yihiin.

Faysal oo su’aashaasi ka jawaabaya ayaa yidhi “Anigu waxba ma qariyo ee I dhegaysta; barigii u horaysay labada Mucaaradkaba anigaa soo magacaabay, markaa waxaan soo gudbiyay Dr Adna Aadan Ismaaciil iyo Prof. Guuleed oo jaamacadda Camuud haysta,markaasay labadiiba iga cudur daarteen oo Adni tidhi Dhakhtar baan dhisayaa, Prof-kuna jaamacaddii  baan hayaa yidhi .

Waxaan markaas soo magacaabay inantii Hay’adda Kandhalayt haysatay ee la yidhaahdo Shukri Baandare iyo inankii u sareeyay daladda ururada aan dawliga ahayn oo reer Boorama ahaa.markii aan doonayay inaan Cabdiraxmaan ka dhigo guddoomiyaha Baarlamaanka , ayaan arkay Shukri oo naga ololaynaysa,hadda waa inantaan soo magacaabay; maalintaas baan idhi “Naaw”!  waar wallaahi waxay Soomaalidu sheegi jirtay waxbaa ka jiree Nin ehelkaa ah uun magacow kaasaad aaminaysaaye, halkaas ayaan ka bedelay siyaasaddii,” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Eng Faysal waxa uu sheegay in intuba u qalmayeen jagada uu u dhiibay “Laakiin Saddexdiiba waan ka dhigaye, saddexdiiba kuwii ugu fiicnaa bay noqdeen.waxa weeye qofku xaq buu u leeyahay ee ma yahay qof meeshii u qalma. Mar waxaan magacaabay Axmed oo Alle ha u naxariistee Ilmaadeer baanu ahayn, haddana waxaan magacaabay Looyar Khadar oo waad aragteen oo waa Looyarka dalka, haddana waxaan magacaabay Cabdifataax(Laba jeer ayuu Cabdifataax magacaabay), Shukrina ku dar oo intuba inta ugu fiican ee Komishanka soo martay ayay ahaayeen. Markaa markaan arkay in inantii aan keenay iga leexatay ayaan idhi waar bal kan yaa xasaba ayaa la yidhiye bal kan ku day.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories