HomeFaysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Imaatinka Cali Khaliif ee Bariga Somaliland...

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Imaatinka Cali Khaliif ee Bariga Somaliland iyo Cabashada Kuraasta Wakiilada ee Awdal

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa nasiibdaro ku tilmaamay in wakhtigan mar kale Cali Khaliif Galaydh u soo cumaamato dagaal ka dhaca deegaanada bariga Somaliland.

waxa uu Faysal Cali shacabka Buuhoodle u soo jeediyay inay wakhtigan ku fikiraan horumarka deegaankooda sida oo kale waxa uu ka hadlay cabashada ka soo baxaysa qaabka gobalada dalku ay u qaybsanayaa xubanaha golaha wakiilada.

waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu hadalkiisa ku bilaabay“Waa nasiib daro in nin todobaatan jir ah oo sheeganaya tacliinsare uu hadana umaddiisa dagaal ugu baaqo, aad ayaan uga xumahay oo waan uga hanweynaa, reer Buuhoodle maanta dagaal umabaahna ee horumar ayay u baahan yihiin,waxbarasho,caafimaad iyo dhaqaale ayay u baahan yihiin, waa u sharaf daro aduun iyo aakhirna dhana umafiicna, labaatankaas sano ee dhulbadan wax gaadheen hadana wali halkaas waxba may gaadhin, aduunkana waxa lagu tartani doonaa waa dhaqaale iyo aqoon, inuu inta uu Xamar ka yimaado dadkiisii yidhaahdo qoryo qaata waa u nasiibdaro.”

guddoomiye Faysal oo ka hadlaayay saluuga kuraasta wakiilada ee reer Awdal waxa uu yidhi“arintan xildhibaanada baarlamaanka 2005 ayaa laysku qabsaday oo gobalada qaarkood ay saluugweyn ka muujiyeen anigu sadexdii xisbi ee ay qaybiyay ayaan ka mid ahaa wiig ayaanu fadhinay oo waxaanu ku qancinay inay kumeelgaadhtahay, markaas in marlabaad la keeno maaha waxay ahayd in la diyaar gareeyo waxii looga guuri lahaa, dadka oo aan la qancin in lageeyo maaha xaqna way u leeyihiin reer Awdal inay ka biyo diidaan. baarlamaanku maaha inay arintaas faro galiyaan oo ku heshiin maayaan shirgudoonkuna inuu yidhaahdo inoo wada safarka hawhawdooda ha maqlinee xaq uma laha, waa in wax laysku ogyahay doorashada lagu galaa.”

ugu danbayntii waxa uu Faysal Cali Waraabe diiday in bariga Somaliland lagaga yimaado isxanbaar“arintan isxanbaarka waa in la joojiyo dadkan doonaya in aanay ka dhicin doorasho deegaankooda ee hawlyaraanta ku yimi ee iyaga oo hawlyaraan ku yimi maanta u dardarweyn ee moodo inay dalka ka horjoogaan doorashada, waxaanu leenahay dadkaasi way tashadeen diiwaangalintiina way qaadanayaa, is xanbaar danbe markaas ma jiro kii ku yimina hayska calafsado toban sano iyo dheeraadbaad ku joogtaye, aad ayaan ugu hanbalyaynayaa wasiir Xaglatoosiye  inuu arintaas badka keenay in laga doodo oo dadkiisa ku dhiirigaliyo in diiwaangalinta deegaankiisa laga qaato.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories