HomeFaysal Cali Waraabe oo eedaymo u Jeediyey Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha...

Faysal Cali Waraabe oo eedaymo u Jeediyey Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa eedaymo u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

blankGuddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Khamiista maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiska xisbiga ee magaalada Hargeysa, waxa uu eedaymaha uu madaxda dowladda u jeediyey u cuskaday khilaafka ka taagan furista Ururrada siyaasadda iyo Doorashada Madaxtooyada ee Somaliland oo loo muddeeyey inay qabsoomaan sannadkan.

“Maxamed Kaahin Maah-maahdii uu Ku Maah-maahay Miyaanu Xasuusnayn Markii uu la dagaalamay Xukuumadii uu Wasiirka ka ahaa Ee Cabdiradman Tuur,” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha oo la hadlayey madaxweyne Biixi, waxa isagoo hajabaya  yidhi, “Muuse Biixi waxaan leeyahay, Markaad kasoo noqoto Maraykan ayaa hadal inoo yaallaa, ama dalka waynu wada yeelan, ama dhiigeennu kala qarsan”.

“Labadan Kornayl Waxay Is tuseen oo ay isku qanciyeen, in Muuse-na Muddo kordhin loo sameeyo, kadibna La sharraxo Maxamed Kaahin,” sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe oo hadalladiisa ay ka muuqatay cadho xooggan.

Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa ka soo horjeeda furista ururrada siyaasadda oo sharcigu tilmaamayo in 10-kii sannoba hal mar la furo si ay u soo baxaan saddex Xisbi oo muddadaas tobanka sanno ah ku tartama hoggaanka dalka.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku doodaya in doorashada Madaxtooyada oo ku muddeysan 13 November 2022-ka ay ka soo horayso furista ururrada siyaasadda oo muddo-xileedkooda tobanka sanno ku eegyahay badhtamaha sannadkan.

Waxa ay ahayd badhtamaha sannadkii 2011-kii markii u dambeysay ee la furo ururrada siyaasadda oo ku tartamay doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee sannadkii 2012-kii, iyadoo halkaas ay ka soo baxeen saddexda Xisbi ee UCID, Waddani iyo Kulmiye.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpot.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories