HomeFaysal Cali Waraabe Oo Dhaliilay Qaabka Ay Xisbiyadu U Soo Xushaan Musharrixiinta...

Faysal Cali Waraabe Oo Dhaliilay Qaabka Ay Xisbiyadu U Soo Xushaan Musharrixiinta Madaxweyne Ku Xigeenka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Shacabka Somaliland ay Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Xisbiyada ku kala dooranayaan Waxyaabaha ay Dadka iyo Dalka u soo qabteen ee Taariikhda ugu jira, laakiin aanay siyaasad iyo Dawladnimo ahayn in Xisbiyadu soo urursadaan taageerayaal lagu soo jiito Lacag.

Faysal-Caliiihie-W

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu dhaliilay hababka lagu soo Xulo Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee Dalka soo mara, waxaanu yidhi, “Marmar baan is-idhaahdaa Madaxweynayaasha iyo Madaxweyne ku-xigeennada Dad habboon lama keenin oo waxaan u maleynayaa inaan Bisinka loo Qabanin, markaa waxaan rejaynayaa inaanu bisinka u qabano oo aanu Talada ilaahay saarano (Soo xulashada Madaxweyne ku-xigeenka UCID).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey Sababta ay UCID iyo WADDANI iskugu bahaysan waayeen Xukuumadda, “Xisbiga WADDANI waxa ku jira dhowr iyo Toban Kooxood oo aanad kala garanayn, kuwii Xamar ka yimid baa ku jira, waxa ku jira kuwii intaas oo sannadood KULMIYE ku jiray ee ka cadhooday, ee aanu intaas oo sannadood ku Mucaaradka ahayn ee aanu Tv-yada iska caayeynay baa ku jira, ee marka ay ka soo baxaan (KULMIYE) ayay dahab noqonayaan?, kuwa Mus-dambeedka u ahi waa UDUB, Cabdiraxmaanna waa UCID, markaa wax aanu nidhaahno Xisbi maaha, waayo? Lacago ayaa reerahoodu soo ururinayaan oo Xafladaa la dhigayaa waxaasi maaha siyaasad.”

Guddoomiyaha UCID oo Hargeysa ugu warramay Telefiishanka Somali Cable, ayaa sidoo kale ka hadlay waxa Shacabka Somaliland ku kala dooranayaan Musharraxiinta Xisbiyada, “Waxa la kala dooranayaa Hoggaamiyeyaasha, Cabdiraxmaan Muxuu ka qabtay, Muuse Biixi muxuu qabtay, Faysal maxaa taariikhda ugu jira. Lakaiin Dumar baan Lacag siiyey oo Afka soo caseystay, oo bootar soo marsaday oo ii heesay, waxaasi Sharci iyo Dawladnimo maaha.”ayuu yidhi.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories