HomeFaysal Cali Waraabe Muwaaddin Xalaal Ah – W/Q: Rasheed Cali Meigag Samater

Faysal Cali Waraabe Muwaaddin Xalaal Ah – W/Q: Rasheed Cali Meigag Samater

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

blankQoraalkan yar ee kooban waxa igu kellifay kadib markii aan dhegaystay Khudbaddii qiimaha badnayd ee uu jeediyay Guddomiye Faysal 18kii May 2020 oo run ahaantii si gaara ii taabatay.

Waxan dib u jalleecay Faysal iyo muddadii uu siyaasadda ku jiray iyo dhacdooyinkii kala duwanaa ee Somaliland soo martay iyo doorkii Faysal ka qaatay xaaladahaas oo qaarkood aad u adkaayeen go’aanadiisii halkuu iska taagay.

Anigu marar badan waxan qayb ka ahaa xisbiga UCID oo aan ka gaadhay Guddomiyihii xisbigaas ee dalka U.K. waxan ka baxay xisbigaasi anoo diiddan go’aankii Faysal ee Musharraxnimaddii Jamaal Cali Xuseen.

Muddo ka dib aniga iyo dad badan oo aanu isku fikir ahaynba waxanu ku soo gunaanadnay in Faysal ku saxsanaa go’aankaasi annaguna aanu ku degdegnay ama ku qaldanayn inanu Faysal ku diidno go’aankaas oo markaa noola muuqday mid qallafsan. Waxa kaloo ka mid ahaa doorki i uu iska taagay doorashadii la galay, waxase caddaatay in dal iyo dadba ay dan u ahayd in Jamaal ka hadho tartankaasi waqtigaas oo haddii kale kala-jab iyo cid aan hanan karayn qarankani ku soo baxaan talada dalka, Faysalna go,aankaas aanu ka cadhoonay wuu ku saxsaxsanaa, haddii aanu sidaa yeelin oo taayadii socotana Jamal ma soo baxeen dalkan iyo dadkanuna Ilaahay uuni ogyahay halkay ku dhici lahaayeen.

Waxa aan shaki ku jirin in Faysal mar walba huro oo aanu ka daalin in geed dheer iyo mid gaabanba u fuulo in Somaliland wax noqoto nabad iyo horumarna ay ku waarto.

Faysal runtii wuxuu u qalmaa xaqna u leeyahay in haddii uu mar kale tartan siyaasdeed galo in si aqlabiyad ah loogu cimaamado jagada madaxnimo ee dalka, sababtoo ah marna lama hayo Faysal oo hagardaamo u gaystay Qarankan, wax tar mooyaane, waa nin cadawga Somaliland iyo kuwa necebba uu quus gooya si cadna ula dagaallama – xataa haddii kuwaasi yihiin qoyska uu ka dhashay oo qaarkood magac iyo maamuus sare ku dhex leeyihiin qoyskiisa iyo meelo kaleba. Faysal kama gabbado toosinta xukuumadda markii loo baahdo, hase yeeshee maaha dadka Mucaarad baad tahay u ceebeeya dalka jecelna qaawinta qarankeenna cadawga badani ku wareegsan yahay. Waxana u dheer inuu Faysal yahay nin Ahlu diin ah oo Alle ku xidhan una tudhaya dalkiisa, dadkiisa, diintiisa iyo Aakhiradiisaba

Waxan ku gebagebaynayaa in dadaka reer Somaliland hoos iyo korba u ogaadaan una qiraan Faysal Cali Waraabe tacabka muddada dheer uu u huray jiritaanka iyo qaranimada dalkiisa Barakaysan ee Somaliland. Taariikhda ayaa qori doonta ee waa in loo ogaado inuu yahay siyaasigii ugu horreeyay ee danta guud ka door biday fikirka tolkiis iyo qabyaalad xataa haddii xisbigiisu ku luminayo taageerayaal badan oo aan ka mid ahaa. Anna waxan leeyahay Cimri barako leh iyo caafimaad ku raag aad noogu adeegto muddo dheer. Amin

Qalinkii: RASHEED CALI MAYGAAG SAMATER

Gudd. Jaaliyaadda Somalida W. London

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories