HomeFaysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi oo ka hadlay Labadii Sarkaal ee...

Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi oo ka hadlay Labadii Sarkaal ee lagu Dilay Qorulugud, Shacabkana talooyin u jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye iyo UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Muj. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay laba sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo todobaadkii hore lagu dilay magaalada Qorulugud ee gobolka Buuhoodle.

Guddoomiyeyaasha UCID iyo Kulmiye oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada ka dib kulan lagu soo afjaray khilaaf dhinaca diiwaangelinta oo u dhexeeyey xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka, waxa ay tacsi u direen Qoysaskii ay ka baxeen iyo Shacabka Somaliland geerida labada Sarkaal ee Askariga ciidanka ka tirsan toogashada ku dilay.

faysal_muuseFaysal Cali Waraabe, ayaa shacabka ugu baaqay in qabyaaladda laga ilaaliyo Ciidanka Qaranka, waxaanu yidhi, “Tacsi baan u diraynaa dhacdadii ka dhacay Qorulugud. Shacabka waxaan leeyahay ogaada waxaynu nahayd Qaran, Qabiil ma nihin. Haddii nin boolis ah oo shaqo ku jira, uu ku dhinto hawl, booliska iyo Qaranka ayuu ka dhintay. Haddii uu Faranta hore ku jiro, ha dilo oo xabbad Saaxiib ha ku dhacdo ama cadow ha ku dhuftee, wuxuu dirayska u xidhay inuu dalka difaaco. In la qabyaaladeeyo oo la siyaasadeeyo, taasi waa fool-xumo, qaran ku noqon mayno caynkaas.”

Guddoomiyuhu waxa uu dhinaca kale xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay xog-warranka iyo xidhiidhka ay shacabka la leedahay, waxaanu yidhi, “Dawladda waxa ku waajib ah marka fal-dambiyeed dhaco inay umadda u sheegto siduu u dhacay, haddii dawladdu intaas garan-waydo, cid kalaa ka faa’idaysanaysa.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo jeediyey in la kala ilaaliyo qabyaaladda iyo Ciidanka Qaranka, falka dilka ah ee labada Sarkaal loo geystayna xalkiisa loo daayo Ciidanka iyo hay’adaha ku shaqada leh.

“Waxaan Qoysaskii ay ka dhinteen iyo Somaliland ka tacsiyeynayaa Saraakiisha ku dhimatay Qorulugud, waayo waa saraakiil innaga baxday, waana nasiib-darro gudaheenna ka dhacday. Arrinta Ciidamadu way ka duwan tahay waxa kale, markaa arrintaa waxaynu uga dambaynaynaa jaran-jarada Ciidamada. Waxa ugu sarreeya Madaxweynaha, waxa ku xiga Wasiirka, waxa ku xiga Taliyaha, Maxkamadahoodu waa gaar, sharcigoodu waa gaar. Sida arrimaha ciidamadu uga duwan yihiin, markaa waxaan jecelahay inaan suuqa la soo dhigin oo aan la siyaasadayn oo aan dhex-deenna laysku arbushin,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Cid aan ka xumayn iyo qof aanay taabanayn waxaas dhacay ma jirto. Dhammaanteen waxa innagu waajib ah inay soo qabanno gacan-ku-dhiiglihii oo aynu isugu tagno. Wax ala iyo wixii dambigaas inay ku lug leeyihiin lagu tuhmana, waa inaan gacanta ku soo dhignaa. Inteenna kale waxa innagu waajib, arrintaa nabad iyo wanaag mooyee inaynaan wax kale ka buun-buunin. Adkaysibaa loo baahan yahay saacaddan oo kale, waa saacaddii laysku duubnaan jiray markay waxan oo kale gudahaaga ka dhacaan.”

Arbacadii todobaadkii hore oo taariikhdu ku beegnayd 17-kii bishan, Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa laba sarkaal oo ka tirsan Guutada 17aad ku dilay Xeero ciidanku ku leeyahay duleedka magaalada Qorulugud ee gobolka Buuhoodle.

Laba Sarkaal ee la dilay ayaa kala ahaa Abaan-duulihii Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka isla markaana ahaa Ku-simihii Taliyaha Guutada oo maqnaa wakhtigaas, Marxuum Maxamed Yuusuf Maxamed oo derejadiisa ahayd Kabtan, halka Marxuumka labaadna uu ahaa Taliyihii Hawl-gelinta Guutada 17aad Marxuum Jaamac Muxumed Xadi (Jaamac Bidaar) oo derejadiisu ahayd Kabtan. Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka, ayaa ka tirsan Qaybta 31aad ee Milatariga Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories