HomeFawdada iyo Jaah-wareerka ka dhasha Nidaamin La’aanta Hab-maamuuska Goobaha Xafladaha Qaranka lagu...

Fawdada iyo Jaah-wareerka ka dhasha Nidaamin La’aanta Hab-maamuuska Goobaha Xafladaha Qaranka lagu qabto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

– Bulshada  Somali-laan,  waa  Dad  intooda  badani,  ay ka habaaran yihiin  amase  ay ku adag  tahay,  dhawrista  iyo  u haggaansanaanta,  Nidaamka   fadhiyada  Xafladaha  laysku  marti-qaado,  iyadoo  la raacaayo   Hannaanka,  kala danbaynta,  kala   sarraynta iyo  Awaamiirta  tusmeynta   soo-dhoweeye-yasha( ushers ),  iyadoo  laga duulaayo  hagaajinta Hab-Maamuuska Bulshada  dhexdeeda, si  qayb kastaba  loo fadhiisyo  goobta ay mudan tahay, haddii  uusan  fadhigu markaas ahayn mid guud ee isku-dhex-siideysan (protocol la’aan), kala sooca Ragga iyo Dumarka, mooyaane.

–  Si looga baxo dhibaatooyinka  cabashooyinka ka soo if-baxa  ka qayb-galka  xaflaadaha   Munaasabadah  Qaranka,  waxaa loo baahan ayahay, in wax looga  qabto,  sidatan:-

(1)- In  Xafladaha  lagu  qabto  goobo  waasac  ah( spacious) ee koox kastaba  Raalli-gelin karta  oo aan Alla-ka-jeed  ahayn!

(2)- in Dadka loo xil-saaro  soo diyaarinta  liiska iyo qaybinta kaadhadhka  qaybaha  Bulshada  ee la  marti-qaadaayo, ay ahaadaan  Dad   Aqoon u leh  Acyaanta  iyo wax-garadka  Bulshada  ee mudan  in marti-qaadka  loo fidiyo, amase loogu yeeedho  Madasha

(3)-  In mar-kastaba laga fogaado Qof jeclaysi amase koox toocsi nacayb ku salaysan, lana  marti-qaadi waayo  Dad mudnaa!!

(4)- In kaadhaadhka marti-qaadka loo qaybiyo, si miisaaman oo wax-ku-oolnimo ku dhisan, iyadoo qayb kastaba ay tahay in halkeeda loogu geeyo, laguna Maamuuso.

(5)-  In soo dhoweeye  kastaba la qaabil- siiyo  jaho cayiman, lana siiyo liis qoraal ah ee qaybta Bulshada la marti-qaaday, kana  ahaado kor-jooge oo kale safka uu Martida fadhiisiyey, si aysan  isugu  dhicin iyaga iyo Ciidanka  ilaalinta amniga ee Xafladda,  Qof kastaaba wuxuu jecel yahay  habeenkaas, inuu  Madaxdiisa arko oo Salaamo, taasoo aan ku oollin  maanka Amni-sugaha (Security) ee  lasocodka dhaq dhaqaaqa Bulshada, diiddan Habeenkaas isaga ah.

(6)- Inaan  sinaba loo halmaamin Dadkii  usoo halgamey Dalkan iyo kuwa ku dhaawacmay  Difaaciisaba, lana fadhiisiyo  meel u gaar ah oo  ay ka muuqdaan!

(7)- Inaan Tafaftirayaasha Wargeysyada waaweyn aan iyagana laga illaawin  Casuumaada ee la siiyo tixgelinta ay leeyihiin.

(8)- In cilladaha Samaacadaha,maykaro-foonada iyo korontada Nalka laga feejignaado iyo in sidoo kale loo tooga-hayo Baabuurta Dhaawaca qaadda (Ambulance),  loona haaado heegan Caafimaad iyo Dab-damis oo ah lagama  maarmaan.

(9)-  In Dadka la marti-qaaday  ee soo gelaaya Xafladaha la mariyo  baadhis  saddex Jaran-jaro ah.

(10)- In Sawir-qaadasaasha  la siiyo  goob u gaar ah oo aysan  dib-udhicin, inay  Daawadaasha ku sameeyaan  isku-gudubb iyo is-hortaag!!

(11)- In Barnaamijyada Xafladaha Qaranka, ay Daa-di-hiyaan wasiirrada  Madaxtooyada, warfaafinta iyo Hiddaha iyo Dhaqanka, midkood, amse loo tusmeeyo Mas’uul kale ee lagu yaqaan  Cod-karnimo  iyo  fasaaxad, qoto dheer!!

Waa Billaahi tawfiiq

Qalinka: Xaaji Saalixi Al-Rashiidi)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories