HomeFatahaado Baddu Sababtay oo ka Dhacay Meelo ka mid ah Xeebaha Somaliland

Fatahaado Baddu Sababtay oo ka Dhacay Meelo ka mid ah Xeebaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargaysa(SLpost)-Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dadweynaha iyo maamulka deegaannada xeebta woqooyiga Somaliland gaar ahaan xeebaha degmooyinka Bulaxaar iyo Lughaya, waxa aad u kacday badda oo sababtay inay ku fatahdo barriga ku dhaw. Fatahan ayaa yimi kadib markii mawjadaha baddu kacsanaayeen illaa shalay iyo xalay oo ay gaadheen 7-8m.

Wararku waxay  noo xaqijinayaan inay waxyeello badani soo gaadhay dadka xoola dhaqatada ahaa ee dega xeelliga badda oo barakac ballaadhani ku habsaday illaa xalay  kuwaasoo guryihii badda u dhawaa iyo qoysaska qaarkood xoolihii gaar ahaan adhigii kala tageen biyuhu; sidoo waxay ka dumisay qoysas badan guryihii degmooyinka Lughaya iyo Bulaxaar.

Boqolaal qoys ayaa ku barakacay oo iyagoo fara madhan naftooda oo kaliya ula baxsaday xagga barriga ka durugsan biyaha. Dadkaasi ma haystaan waxay cunaan iyo biyo cabbaan midna waayo waxba kama ay qaadan guryahoodii, ceelashii biyaha ay ka cabbaayeenna waxa soo gaadhay fataha badda.

Muwaadin xogogaal ah oo lagu magacaabo Cabdi Yuusuf  Cali oo ku sugan jiidda Lughaya ayaa nooga waramay  siduu u bilaabmay duufaanku iyo xaaladdu siday immika tahay, waxanu yidhi “labadii maalmood ee u dambeeyay baddu aad bay u kacsanayd, waannu ka warhaynay in duufaanno ka dhaceen dalka Yemen, xagganna la saadaalinayo. Mawjahadaha badda ayaa aad u kacay xalay  cawayskii oo gaadhay illaa 7-8m  oo guuxoodi didiyay xoolihii fadhiyay xeelliga badda.  Baddu si aan waligeed uga dhicin deegaankan ayay usoo fatahday maanta oo meelaha ugu dheer waxay xagga barriga usoo gaadhay illaa laba kun oo tallaabo, dhararka biyahaasi waa illaa misigta ayay meelaha qaar kuu gaadhayaan, waxanay biyaha fatahay xagga fogaanta iyo xagga dhererkaba u kala badanyihiin sida dhulku u kala hooseeyo. Dadkii deganaa xeelliga badda iyo tuulooyinka ku xeeran sida Fuguxo ayuu  barakaca u weyni ku dhacay xalay illaa maanta. Dadka qaar xoolihii iyo natoodda uun bay kala baxeen, dadka qaarna xataa xoolihii waliba adhigii wuu ka qaatay geel uu waxyeelay maan maqale. Boqolaal qoys ayaa iyagoo aan buste ka haleelin garanwaaga iska dhex taagan wakhtigan aan kula hadlayo.”

Waxay u baahanyihiin dadkaasi gurmad degdeg ah oo baad iyo biyaba leh, waxanu yidhi Cabdi Yuusuf Cali. “Dadkii ku barakacay xalay illaa maanta waxa ugu daran baad iyo biyo midna ma hayaan waayo waxba kalamay soo bixin guryihii, ceelashii biyahana waxa soo gaadhay fataha, xagga shishe ee maangadka uma bixi karaan waayo harraadbaa dilaya markaa waxay ku dul meeraysanayaan garanwaaga iyo halka uu soo joogo daadku ee waxay u baahanyihiin gurmad degdeg ah oo baad iyo biyaba leh, waxay dadku u baahanyihiin baco iyo waxay cadceeda ka galaan  iyo raashinba  ee warkayaga gaadhsiiya dawladda Somaliland.”

Cabdi Yuusu Cali wuxu ku daray intaas in duufaankani uu ku koobanyahay fataahadda biyaha badda balse aanu jirin roob da’aya, dabaylo iyo qabaw midnaba. “Xalay dhulku kulayl caadi ah ayuu ahaa iyo cimillo aad u wanaagsan, cirkuna daruuro ma lahayn, immikana ma jiro roob da’ayaa. Ma laha wax dabaylo ah iyo dhaxan midnaba laakiin dhibaatadu waa fatahaaddan oo wax Ilaahay laga magangalo ah,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Maayar-ku-xigeenka Gobolka Selel Cabdilqaadir Aden Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanay  soo gaadhin xagga Saylac oo ay ka dulboodday xalay balse uu ka warqabo inay waxyeeshay degmada Lughaya oo guryo badani ku dumeen. Guddoomiye ku xigeenku wuxu tilmaamay inay burburiyay duufaanku doon ay lahayd warshadda Kalluunka ee Lughaya. Waxa kale oo uu sheegay in dadka badankiisu uga baxeen magaalada Lughaya xagga barriga ka durugsan badda.

Ma jiro wax gurmad ah oo lagu badbaadinayo dadka noloshooda oo illaa hadda cidi gaadhsiisay waana xaalad degdeg ah arrintaasi.

Waxa loo baahanyahay Wasaaradda Dib u dejinta dawladda Somaliland iyo dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee arrimahani khuseeyaan iyo hay’adaha samafalka iyo sidoo kale bulshada Somaliland u gurmadaan dadweynaha jilicsan ee reer guuraaga ah ee ku waxyeeloobay biyaha badda ku soo fatahay.

Dufaantan ayaa waxay shalay ku dhufatay magaalada Mukhalla iyo gobollo ka mid ah Yemen oo illaa hadda laga daad guraynayo dadka, waxana hore loo saadaaliyay inay gacanka cadmeed uga soo gudubto dhinaca Somaliland.

 

Source: Toosh

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories