HomeFashilaad ka soo fool-leh Ballan-qaad ay Xukuumadda Somaliland u samaysay dadkeeda sannadkan...

Fashilaad ka soo fool-leh Ballan-qaad ay Xukuumadda Somaliland u samaysay dadkeeda sannadkan soo gudanaya Waajibaadka Xajka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Keebaa Rumoobi Ballan-qaadyada Somaliland iyo Soomaaliya ay mid waliba ku sheegtay in Baasaaboorkeeda Xujaajta reer Somaliland ku tegi doonaan Xajka?

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa u muuqata mid ku fashilantay, isla markaana aan illaa hadda qorshe sax ah u haynin nooca Baasaaboor ee ay sannadkan Xajka ku soo gudanyaan Muwaaddiniinta Xujaajta ah ee reer Somaliland, iyada oo ay dawladda Soomaaliya hore u shaacisay inay dadka reer Somaliland sannadkan aynu ku jirno ku Xaji doonaan Baasaabboorka Soomaaliya.

xujaajta somalilandSidoo kale, Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa dhawr bilood ka hor shaaca ka qaaday inay dadka reer Somaliland Xajka sannadkan ku tegi doonaan Baasaabboorka cusub oo ay samaynayaan ee aanay ku tegi doonin Baasaabboorrada Soomaaliya oo ay hore Xajka ugu tegi jireen.

Hase-yeeshee, waxa hadalkaas ka dambeeyey hadal uu shaaciyey Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Federaalka Soomaaliya General Cabdillaahi Gaafow Maxamuud oo 31-kii July ee sannadkan (bishii hore) Muqdisho ugu warramay Saxaafadda oo sheegay in dadka reer Somaliland ay ku Xaji doonaan Baasaabboorka Soomaaliya oo uu sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si gaar ah ugu ballimiyey dadka reer Somaliland, iyaguna Laan Socdaal ahaan ay u fududayn doonaan dadka Xajka tegaya.

“Waxaan u ballanqaadaynaa dadka soo xajinaya sannadkan ee martida Ilaahay ah in aan u fududeyn doonno hawlahooda si ay u soo gutaan waajibaadkaas diiniga ah,” ayuu yidhi Gaafow.

Haddaba, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa sheegay sida ay u diyaariyeen Baasaabboorka cusub ee ay Somaliland yeelanayso, kaasoo aanay weli caddayn in Xujaajta waddanka ka tegaysaa sannadkan ay ku xaji doonto iyo in kale.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku dedaashay inuu diiwaangelinta garab-socdo Baasaaboorkii Somaliland oo elektaroonik (electronic) ah oo ah mid dhammaan ay akhriyi karaan Mishiinnada caalamiga ah. Baasaabboorradii hore waxa ka maqnaa Koodhka (Code Number) lambarka ku qoran oo Mishiinnadu akhriyayaan,” Sidaa waxa yidhi Wasiir Waran-cadde oo arrintan kaga hadlay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa oo uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo door ah.

Waxaanu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo sii wata hadalkiisa intaas ku daray, “Markaa, waxaynu kaga maarmaynaa haddii Alle yidhaahdo kii Soomaaliya ee macmalka ahaa ee bilaa Aabbaha ahaa, kanaa Aabbo leh reer Somaliland. Waxaannu dagaal culus u geli doonnaa dalalka waxa aqoonsan mooyee wixii kalena inaynu u bandhigno oo maaddaama aynu aqoonsigiina samaynayno Baasaabboorkiina kan yahay aynu noqonno dal ay walaalo yihiin oo ay jaar yihiin Somaliland, dalalka wixii aqoonsaday oo Jabuuti u dambaysay ay ku dhuftaan (Fiisaha) Baasaabboorkan, wixii kalena aynu dagaal u geli doonno. Markaa, waa guul iyo gobannimo aynu Illaahay ugu mahad-naqayno.”

Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo Shirkiisaa Jaraa’id ee shalay lagu weydiiyey su’aal la xidhiidhay in Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya sheegay inay Xujaajta reer Somaliland ku xaji doonaan Baasaabboorka Federaalka, Waran-cadde ahaan-na uu hore Baarlamaanka uga hor-sheegay inay Xujaajta dalku sannadkan ku Xaji doonaan Baasaabboorka cusub ee Somaliland, taasina aanay weli hirgelin wakhtiguna dhaw yahay, bal markaa inuu bulshada u caddeeyo waxa uga meel-yaal iyo nooca Baasaabboor ee ay Xujaajta Somaliland ku tegi doonaan Xajka.

Balse, Wasiir Waran-cadde, Su’aashaas jawaab ku filan kama bixin, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi; “Baasaabboorrada Xajka waxa weeyaan waxaannu ku jirnaa dhawr tallaabo, Sucuudiga xidhiidh baannu la yeelannay, xidhiidhkiina wuu noo socdaa, mid uun baa mushkiladi ka yara jirtaayoo waxa weeyaan wakhtigii Xajka oo innagu soo dhawaaday, tiina wadahadal baannu kaga jirnaa, Insha Allaahu waxaannu jecelnahay inay noo rumawdo haddii ILLAAHAY yidhaahdo.”

Hadalkan ama Jawaabtan uu Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ka bixiyey su’aasha laga weydiiyey aqoonsiga ay sannadkan ku Xajayaan Xujaajta reer Somaliland, ayaa u muuqata mid aan bislayn, isla markaana aanay weli ku talo-gal cad kaga qaadan karin qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo dadka doonaya inay soo gutaan Waajibaadka Diiniga ah ee Xajka ee sannadkan nooca Baasaabboorka ay ku soo gudan doonaan Xajka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la odhan karaa Ballan-qaadka Wasiirka arrimaha guduhu hore u sameeyey waxa uu xilligan oo wakhtigii diyaar-garawga iyo tegista Xajku soo dhaw yahay u muuqdaa inuu yahay mid fashilan, maaddaama oo aanu jawaab cad oo ku filan su’aashaas ka bixinnin, isla markaana aanu weli caddayn nooca Baasaabboor ee ay reer Somaliland Xajka ku tegi karaan sannadkan. Waxaanay weli ku dawakhsan yihiin ama ku jaho-wareersan yihiin dadka doonaya inay soo gutaan Waajibaadka Xajka ka uu noqon doono Baasaabboorka ay ku tegi doonaan Xajka.

XIGASHO: Himilomedia.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories