HomeFarxadda iyo Murugada Xad-dhaafka ah Waxa ay Dhaawici Karaan Qalbigaaga

Farxadda iyo Murugada Xad-dhaafka ah Waxa ay Dhaawici Karaan Qalbigaaga

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(SLpost)-Sida lagu sheegay cilmi-baadhis cusub oo la soo saaray, farxadda iyo murugada xad-dhaafka ah waxay jabin karaan qalbiga qofka, taasoo sababi karta halis dhinaca caafimaadka ah.
Waxa kaloo la oggaaday in farxadda amma murugada beddela caadifadda qofku ay qayb ka yihiin xannuunada wadnaha ku dhaca (Broken Heart Syndrome) amma qalbi jabka ku rida oo sannad kasta sameeya 6,000 qof oo ku nool dalka Ingiriiska, iyadoo sidoo kale keenta in mararka qaarkood uu wadnuhu is xidho.
Inta badan kiisaska noocan ah waxa sababa xaalad caddiifadeed oo qofka si degdeg ah ula kulanta sida in wax aad uga farxiya uu si dhakhso ah ku arko amma xidhiidh qof uu jeclaa oo ay kala tagaan, balse cilmi-baadhis laga sameeyey sagaal dal oo addduunka ah waxa lagu ogaaday in farxadda xad-dhaafk ah ay keeni karto in wadnuhu istaagi karo si degdeg ah.
Xannuunkan oo khubarada baadhay u bixiyeen Takotsubo Syndrome, waxa uu dhacaa marka qofku si degdeg ah u farxo, waxaanay dhakhaatiirtu heleen xannuunkan sannadkii 1990kii, kadib markii la ogaaday in qaar ka mid ah bukaannada la baadhay aan wadnuhu u istaagin xidid is xidhay amma wadno xannuun ku soo booday, balse farxad ay farxeen keentay.
Sidoo kale, cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay Jaamacadda University Hospital Zurich ee dalka Switzerland, waxa ay sheegtay in dad aad u tiro yar ay u dhintaan farxadda oo keenta in wadnuhu istaago amma qalbigu si fudud ku jabo.
Daraasadan oo lagu dabaacay jariirada European Heart Journal oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay ku salaysnayd baadhitaan lagu sameeyey 1,750 qof oo bukaan ah oo sagaal dal ka soo kala jeeda.
Bukaannada la baadhay 458 ka mid ah waxa la ogaaday in xaaladood ay 96% sababtay murugo ah qof ay jeclaayeen oo ka geeriyooday amma ka tegay, halka 20 qof oo kaliya farxad ay farxeen ku keentay in waxyeelo soo gaadho wadnahooda.
“Dhakhaatiirtu waa in ay arrintan ogaadaan, tixgeliyaana bukaannada la keeno waaxda gargaarka ee ay ka helaan astaamaha wadno xannuunka sida laab xannuun, neefta oo ku yaraada amma naqaska oo ku dhega, sidaa darteed, marka uu qofku farxad aad ah farxo waxa laga yaabaa inuu haleelay xannuun (Tukotsubo) ee wadnaha istaajiya, waxaannu la mid noqdaa qofka wadnuhu istaago,” ayuu yidhi Dr. Jelene Ghadri oo ka mid ah khubarada diyaariyey cilmi-baadhistan la xidhiidha waxyeelada ka dhalata farxadda amma murugada degdeg ah.

Xigasho Maankaab

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories