HomeFARXAD IYO MURUGO IS-XIGEY 1960KII - W/Q: C/Raxmaan C/Laahi (Wirdaani)

FARXAD IYO MURUGO IS-XIGEY 1960KII – W/Q: C/Raxmaan C/Laahi (Wirdaani)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Cabdiraxmaan Cabdilaahi

Mahad Eebe ha ka gaadhee taariikhdu markay ahayd 1960 kii waxay Somaliland xornimadii ka qaadatey maxmiyadii  ingiriiska, markii uu wafti uu hogaaminayo Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u ambabaxeen dalka Ingiriiska, waxaanay heshiis ay la soo galeen dawladdii ingiriiska in Somaliland xornimo buuxda la siiyo.

26 Juun 1960kii bay aheyd markii maxmiyadii ingriisku Somaliland siisay xoriyadeedii o markaa loo yaqaaney “British Somaliland protectorate”, sida aan la socono intii ka horraysay 01 July 1960kii Somaliland waxay ahayd dawlad gooniya, waxayna noqotey dawlad madax bannaan oo la aqoonsan yahay laakiin nasiib daro waxa dadkii markaa joogay qaadey caadifad ama baadi goob markaa loogu jirey shantii somaliyeed, hadaba Koonfurtu markey xoriyada qaateen ayaa ay isku biireen “British Somaliland protectorate” oo aheyd Somaliland iyo somaliyadii koonfureed, ayna noqdeen laba dal oo midoobay.

Dadka reer Somaliland waxay midow ku sheegaas doonayeen inay kaga dhabeeyaan riyadoodii ahayd in la sameeyo dawlad salbalaadhan oo ay ka soo qayb galaan shantii somaaliyeed meel kastoo ay joogaanba. Laakiin waxaa markiiba beenawday riyadaas, dadka reer Somalilandna waa la duudsiiyey xuquuqdii wadaniyeed ee ay lahayeen.

Waxaana  lagu heshiin waayey caanihii hasha maandeeq, oo reer koonfureedku ay ka badsadeen reer waqooyiga caanihii hasha maandeeq, mid ka mid ah sugaantii hasha maandeeq oo ay ku luuqeynayaan fanaaniintii qaranka ayaa aheyd

‘’….Maantey curatoo maataaneysee

Aan maalno hasheena maandeeq…’’

Bishii July 1961kii waxa dadka reer Somaliland gaashaanka ku dhufteen oo cod aqliyad ah ku diideen distoorkii qeexayey ee lagu sharciyeynaayey israaca labada dal ee Somaliya iyo Somaliland. Laakiin nasiib darro dawladdii markaas jirtay oo reer Koonfureedka ahayd waxay diideen inay aqoonsadaan maxsuulkii doorashadaas sababtoo maslaxad baan ugu jirin arrintan.

1960kii ha ahaato maalin cadaw ama gumeyste ka kacay dalkan maanta la yidhaa Somaliland laakiin kii uga danbeeyey kiisa hore dhaamey, waxay aheyd maalin galinkiisii hore sacab iyo farxad loo dareeray, galinkiisii danbana oohin iyo dhiig daataa noqdey, waxay aheyd maalin walaalka inta la aaminay kadib kii aaminay qawracay, waxay noqotey maalin ilmaha yar agoomeysa,waxay aheyd maalin dayntii loo dhibay koonfur ee ay ilaalin kari weyday ilaa maanta la gubato, waxay noqotey maalin  magicii loo cararey dib looga xanaaqo.

Dadka reer Somaliland oo markiiba ay dareemeen in la khiyaameeyey, waxay isla markiiba bilaabeen inay xornimadoodii kala soo noqdaan koonfur, hadaba bilawgii 1981 waxa aasaasantey jabhadii SNM, hadaba mudo ku sineyd 10 sano markii dagaal qaadhaadhi dhexmarayey jabhadii SNM iyo dawladii somaliya, ayaa Eebe mahad haka gaadhee  geesiyaashi SNM ku guleeyey iney cadawgii  jabiyaan dibna u hantaan dhulkii la odhan jirey Somaliland, xoriyadii lunteyna dibna u soo celiyaan xoriyadii lintey 1960kii.

18 may maalintaas oo ay Somaliland la soo noqotay marlabaad xornimadoodii luntay 1960kii, noqotayna dal madax bannaan oo buuxinaya dhammaan astaamaha ay leedahay dawladi. Laakiin weli Jamhuuriyadda cusubi waxay sugaysa aqoonsi caalamiya. Waxaanan rajaynayaa in reer maandeeq dhakhso u heli doonto ictiraaf caalamiya oo ay rumawdo riyada shacbiga Somaliland oo ahayd inay noqdaan qaran madax bannaan oo ka mid ah bulshada caalamka.

Hadaba akhriste waxay aheyd 1960kii maalin labo weji leh farxad iyo murug, laakiin waxa ah in Eebe luugu mahadnaqo ah in maanta Somaliland tahey waddan xor ah, dawlad leh, calan leh, kaladan-beyn iyo haykal dawladnimo ka jirto , rabi ha inoo siyaadiyo, walaalaheena koonfureedna inagoo u duceeyneyne inuu ilaahey koreeye quluubtooda mideeyo, waxaan leenahay waar ‘’hasha dabada sii daaya’’ waxaan idinku dhaafayaa sugaantii uu ka  tiriyey ‘’abwaan qaasim’’ markii dadkan iyo dalkan khiyaamadu ku dhacdey.

‘’…Isma doorin gaalkaan diriyo, Daarta kii galaye

Dusha midabka soomalimaad, Dugulka moodaaye

Misna laguma diirsado, Ee qalbigu waa dirkii karale

Meeshaan dad iisoo kordhiyo, Darajo ee gaayey

Iyba waa darxumo iidhimane, Dacar miyaan leefay

Ma dorraato raadkaan dhigaan, Dibugu soo laabtey

Sidii aan dayeynahay miyaan dawgii ka habaabay…..’’

Sidoo kale abwaaniintii ka gabyey waxa ka mid ahaa  Cabdillahi Suldaan Timacade( alla haw naxariistee) tix uu arrintaas kaga hadlayaayey waxaa kaimd ahaa beedkeedii

“Duqaydii barlamaankiyo dekadiiba waa xamar’’

Wirdaani@yahoo.com

Alpha University

Hargeisa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories