HomeFarriinta Siyaasadeed ee ku lammaan Imaanshiyaha Maxamed Cumar Carte ee Hargeysa

Farriinta Siyaasadeed ee ku lammaan Imaanshiyaha Maxamed Cumar Carte ee Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Raysal-wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa cafis madaxweyne ku yimi magaalada Hargeysa, kaddib markii uu ka tanaasulay mabada’a Somaliweyn oo ah aragti ka soo horjeedda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxamed Cumar Carte oo xilligan ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkaas, waxaana imaanshihiisa Hargeysa la xidhiidhaa inuu arko Aabihii Cumar Carte Qaalib oo ku xannuunsanaya magaalada.

 

Maxamed Cumar Carte Qaalib
Maxamed Cumar Carte

War-saxaafadeed aan si rasmi ah uga soo bixin madax-tooyada balse qaybo warbaahinta ka mid ah lala wadaagay, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland ka oggolaaday Cumar Carte codsi uu ku dalbaday inuu saamaxaad u fidiyo, kaddib markii uu ka tanaasulay fekerkiisa Somaliweyn isla markaana uu ka baxay xubinimada Golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Maxay tahay Farriinta siyaasadeed ee ku lammaan?

Maxamed Cumar Carte, waxa uu noqonayaa siyaasigii u dambeeyey dhowr shaqsi oo xilal sar-sare ka soo qabtay dowladda Soomaaliya oo cafis madaxweyne ku yimi dalka kaddib markii ay ka laabteen fekerkii ay hore u aaminsanaayeen. Waxa siyaasigan ka horreeyey Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, immikana ah siyaasi ka tirsan Xisbiga Waddani Ismaaciil Hurre Buubaa oo cafis ka soo dalbaday madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo, kaddib markii uu sheega inuu ka tanaasulay fekerkii uu ka soo horjeeday madax-bannaanida Somaliland.

Tallaabada uu Maxamed Cumar Carte ku yimi Hargeysa waxa ku lammaan ama ay diyaaraysaa farriin siyaasadeed oo ah inaanay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku tiirsanaan karin ama aamini karin siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee Xilalka sare looga dhiibo Soomaaliya, kuwaas oo qoysaskoodu deggen yihiin Somaliland, haddii ay doonayaan inay ku noqdaana ay khasab ku tahay inay ka tanaasulaan aragtidooda siyaasadeed.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa ama waxba kama jiraan ka dhigaysa sheegashada dowladda Soomaaliya ee ah in Somaliland oo inay dal madax-bannaan ah tahay ku dhawaaqday ay dhul ahaan iyaga ka tirsan tahay.

Sida dad badani u arkaan, Cafiska madaxweyne ee loo fidiyo siyaasiyiinta xilalka ka haya dowlada Soomaaliya ee ka tanaasulaya fekerkooda siyaasadeed, ayaa muujineysa awoodda ay Somaliland u leedahay inay meesha kaga saarto saameynta ay leeyihiin siyaasiyiinta dalkeeda u dhashay ee ka soo horjeedda qaddiyadda madax-banaanideeda.

Siyaasi Maxamed Cumar Carte oo uu dhalay wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo raysal-wasaarihii Soomaaliya ee 1991 ilaa 93-kii isla markaana ahaa siyaasiyiintii ugu saamaynta badnaa mandaqadda Geeska Afrika xilligii dowladdii Kacaanka, ayaa go’aankiisani dhabar-jab weyn ku yahay dowladda Soomaaliya oo inta badan sheegata in Somaliland ka mid tahay isla markaana xilligan diyaar-garow ugu jirto doorasho baarlamaan.

 

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories