HomeFARRIIN CULUS: Qoyska Marxuum Cismaan Cumar-jeex Oo Mar Labaad Madaxweyne Siilaanyo Ka...

FARRIIN CULUS: Qoyska Marxuum Cismaan Cumar-jeex Oo Mar Labaad Madaxweyne Siilaanyo Ka Codsanaya Inuu Wax Ka Qabto Cabashadooda Maxkamadda Sare

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Marxum Cisman Cumar
Marxum Cisman Cumar

Annagoo ah Qoyska marxuum Cismaan Cumar-jeex, kana kooban 13 Ruux oo isugu jira Rag iyo Dumar, kana mid tahay, hooyadayo Xaliimo Daahir Meecaad, Waxaanu mudane madaxweyne si Milgo, Sharaf iyo Maamuus leh kaaga codsanaynaa inaad wax ka qabato tabashadayada khusaysa Kiiska nagaga jira Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. Taas oo aanu taariikhdu markay ahayd 21/02/2012 Codsi kan ka horreeyey aanu kuugu soo gudbinnay, qaybaha kala duwan ee Saxaafadda Somaliland.

Iyada oo madaxweyne, dadka iyo dalkaba, kuu taallo taariikh lama illaawaan ah, oo lagu xasuusto halgamadii dhaadheeraa ee aad kaga soo hor-jeeday dulmiga iyo cadaalad-darrada Shacbiga Somaliland in badan ay tirsanayeen. Shakhsi ahaanna aad tahay, qof jecel cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda ummadda Somaliland.

Madaxweyne annagoo ka dharagsan wadciga dalku ku jiro iyo culayska ku saaran, ahna agoonta Ilma Cusmaan Cumar-jeex oo aabahood Marxuum Cismaan Cumar-jeex (IHUN), si badheedha niman hubaysani ugu dhex toogteen badhtamaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan kasoo hor-jeedka idaacadda Radio Hargeysa, taariikhdu markay ahayd 22/02/2005.

Intaas oo dhan waxaanu naawilaynay inay iman doonto xukuumad ilaalin doonta xuquuqdayada agoonnimo, taas oo Alle, hoggaan adiga kaaga dhigay. Muddo dheerna aanu naawilaynay, in mar uun sharciga hortiisa lanoogu qaadi doono xaqqayaga.

Mudane madaxweyne Shirkii cadaaladda, ee aad ka qayb-gashay huteel Maansoor, waxa aad kaga marag-kacday cadaalad-darrada baahsan ee ka jirta waaxaha garsoorka dalka, taas oo aad ka qaaday tallaabo sharciga waafaqsan oo aad wax kaga qabatay cabashadii shacabku ka qabeen guud ahaan cadaaladda dalka, gaar ahaan waaxaheeda garsoorka. Adiga oo isla markiiba soo magacaabay garsoorayaal kale, oo aad islahayd, waxay si mug leh wax uga qaban doonaan cabashooyinka Shicibka ee arrimaha cadaaladda.

Haddaba mudane madaxweyne waxaanu Baaq dheer iyo mid gaabanba, kuugu sheegaynaa haddii aanu nahay agoontaas Ilma Cismaan Cumar-jeex, weydayna tiirkoodii Labaad ee nolosha, in aanu cabasho xooggan ka qabno maxakamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo guddoomiyaha Maxkamadda sare isagoo Og hayana warqaddii go’aankayagu ku caddaa, haddana nagu khasbaya in Mag aanu ka qaadanno gacan-ku-dhiiglayaashii aabbahayo sida arxan-darrada ah ugu dhex toogtay fagaaraha badhtamaha Suuqqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa.

Dilkaasi oo ahaa mid shir-qoolaysnaa, oo aad u fool-xumaa, dhaawacyo culus oo jidheed iyo maskaxeedba nagaga tagay ayaa waxaanu aad uga xunnahay tix-galin la’aanta aanu ilaa hadda ka tirsanayno Maxkamadda sare. Iyadoo maxkamadduna ogtahay in Wax Mag ah aanaan ogolayn balse rabna in Sharciga lanoogu hor-ciqaabo gacan-ku-dhiiglahaasi.

Haddaba haddii aanu nahay agoonta uu marxuumku ka geeriyooday waxaanu madaxweyne kugu war-galinaynaa, adiga iyo Shacbiweynaha Somalialnd ee daneeya, cadaaladda dalka, in aanaan marnaba qaadan wax Mag ah, diyaarna aanaan u ahayn inaanu qaadanno Mag, horena umaanu qaadan haddana qaadan mayno. Taana waxaanu ka hor-sheegnay Maxakamadda Sare iyo Maamulkeedaba, wayna noo dheg raaricin laayihiin, ilaa hadda.

Madaxweyne dadka, dalka iyo diinta waxaa naga haysa lexejeclo aad u weyn, mana jeclin inaanu marnaba samayno ama lanagu sameeyo ficil ka hor-imanaya amniga iyo Sharciga dalka. Waxaanan cabsi wayn ka qabnaa in amnigayagu khattar galo, haddii  uu hir-galo Shirqoolka lagu maleegayo in lagu sii daayo gacan-ku-dhiiglahaasi, xabsi-daa’inka ah ee markii hore maxkamaddii Gobolku ku xukuntay dilka, laakiin tii Racfaanka iyo Sareba ay ku xukumeen Xabsi-daa’imka.

Uga dambayntii waxaanu madaxweyne si naxariis iyo naruuro leh kaaga codsanaynaa mar labaad iyo mar saddexaadba, inaad wax ka qabato cabashadayada.

Alla Mahad Leh.

Codsadayaal

1-    Hooyo Xaliima Daahir Meecaad  (Ahna xaaska Marxuumka)

2-    Suxufi C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu-hurayra)

3-    C/fataax Cismaan Cumar-jeex

4-    C/kariim Cismaan Cumar-jeex

5-    Maxamed-Amiin Cismaan Cumar-jeex

6-    Xamse Cismaan Cumar-jeex

7-    Khaalid Cismaan Cumar-jeex

8-    C/casiis Cismaan Cumar-jeex

9-    Sahra Cismaan Cumar-jeex

10- Khadan Cismaan Cumar-jeex

11- Ifraax Cismaan Cumar-jeex

12- Xamda Cismaan Cumar-jeex

13- Samsam Cismaan Cumar-jeex

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories