HomeFarriimaha ay Gudbiyeen Sawirrada Kulankii Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin La Qaateen...

Farriimaha ay Gudbiyeen Sawirrada Kulankii Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin La Qaateen Muj. Axmed Mirre + Lebbiska Ay Isku Qaabileen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Waxa bannaanka u soo baxay sawirro laga qaaday kulan ay Madaxweyne Muuse Biixi, Wasiir Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiir Boos Mire la qaateen Muj. Axmed Mire Maxamed oo muddo dheer ku noolaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka UK, isagoo muddadaas uu maqnaa sidoo kale ka qallinjabiyey Jaamacad ku taal dalka Ingiriiska.

Madaxweyne Muuse Biixi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Muj. Axmed Mire Maxamed waxa ay ka mid ahaayeen raggii doorka weyn ku lahaa, isla markaana laf-dhabarta u ahaa halgankii SNM ee dalka Somaliland lagaga xoreeyey Taliskii Millatari ee uu hormuudka u ahaa Maxamed Siyaad Barre.

blankHasayeeshee, nasiib-darro waxa ay SNM dalka xoraysay iyadoo jiràan xurgufo hoose iyo kala aragti-wannaansho u dhexaysay saraakiishii sare iyo siyaasiyiinta SNM, xurguftaas hoose oo taagan ayaa la isla soo galay gudaha dalka Somaliland, waxayna masuuliyiinta hadda ku kulmay Hargeysa ay ka mid ahàayeen xubnaha ay xurguftàas hoose saamaynta ku yeelatay, aakhirkiina ku kala irdhoobay, halka sidoo kale ay xubnahani ku jireen ragga iskaga soo horjeeday dagàalladii sokeeye ee sida nasiib-darrada ah uga dhacay dalka Somaliland lixdii sanno ee ugu horeeyey dib-u-xorayntii Somaliland.

Haddaba, laga soo bilaabo xiliyadaas madoobaa ee ay soo martay Somaliland ilaa maanta oo lagu jiro sannadka 2020, weli may dhicin ama haddii ay jirto aad ayey u yaraayeen in ay si toos ah u kulmaan Muuse Biixi, Maxamed Kaahin iyo Axmed Mire, làakiin haddiiba ay jiraan meelo ay si toos ah ama si aan toos ahayn ugu kulmeen, waxa muuqata in kulankan ay hadda isugu yimaadeen uu yahay mid xambaarsan fariimo kala duwan oo loogu talogalay in si wada-jir ah loogu dirayo bulshada Somaliland, gaar ahaan dhinacyadii dhufayska iskugu jiray xiliyadii madoobaa ama dagaalladii sokeeye ee dalka soo maray.

Haddii aynu ku horayno fasiraadda fariinta wada-jirka ah ee ku socota bulshada, waxa ka muuqda sawirkooda, weliba sawirka ay saddexda masuul garbaha isku hayaan ee socodka in sawirrada la qaaday markii uu dhammaaday kulankoodu, iyadoo ay wejiyadooda iyo qaabka socodkooda laga dheehan karayo inay si fiican isku laab-xaadheen, wixii xurgufo ah ee jirayna ay si shakhsi ah uga wada heshiiyeen, maanta laga bilaabana aanay jirin kala weji-dadbasho dambe , waxayna dadka u direen in siyaasiyiin ahaan aanay jirin colaad iyo xumaan dhexdooda taala, dadkana looga baahan yahay in aanay isku colaadinin kala afkaar duwanaanshaha siyaasiyiinta, balse ay ogaadaan inay yihiin dad walaalo ah oo garab iyo gaashaan isku ah.

blankGeesta kale, qaabka ay u soo lebbisteen masuuliyiinta kulanka isku arkay, ayaa iyaduna ah fariin kale oo ay dhinacyo isku dirayaan, iyadoo ay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin ay ku soo lebbisteen khamiisyo cadcad iyo cumaamado. Haddaba marka la akhriyo daraasadaha laga diyaariyey ee lagu ogaaday midabada lebbiska qofka iyo midabkastaaba fariinta uu dirayo, waxa cilmi-baadhisaha lagu sheegay in qofka xidhan dirayska ama lebbiska caddaanka ah uu dirayo ujeeddo ah in qofka ama cidda uu qaabilayo uu u hayo ama u sito nabadgelyo buuxda, qalbi saafi ah oo ka maydhan nooc kasta oo xumaan iyo colaad ah, sidaa darteen, waxa Madaxweynaha iyo Wasiirku ay si toos ah iyo si dadban ugu direen Muj. Axmed Mirre inay diyaar u yihiin sidii si dhab ah la iskaga bogsiin lahaa wixii xurgufo iyo dhibaatooyin ah ee soo kala dhexmaray labada dhinac, imminka ay diyaar u yihiin in la furo bog cusub oo ah in wixii tegay la iska iloobo, wixii jooga iyo mustaqbalkana looga wada shaqeeyo si nadiif ah, walaalnimo iyo qalbi saafi ah. Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Md. Boos Mire oo isna ay walaalo yihiin mujaahid Axmed Mire oo kulanka joogay ayaa isna ku lebbisnaa khamiis cad, waxaannu u muuqday inuu Madaxweynihiisa iyo Wasiir Maxamed Kaahin la wadaago fariinta ah in quluubta la isku nadiifiyo, nabad iyo wanaagna laga wada shaqeeyo.

Dhinaca kale, Muj. Axmed Mire waxa uu ku lebbisnaa suudh madaw iyo qoor-gashi (neck tie) midabkiisu yahay casaan, waxayna culimada cilmi-nafsigu ku sifeeyeen masuulka qaabkan u lebbista inuu yahay qof astaan u ah awood xooggan, inuu ku adag yahay waxa uu aamminsan yahay ama mawqifkiisa aan laga furfuri karin (conservative), haddana waa qof diraya fariin ah inuu yahay mid dabacsan, soo dhawaynta diyaar u ah, jecelna inuu iska xakammeeyo waxyaabaha taban (negativity) ee hareerihiisa ka dhacaya.

Geesta kale, qoor-gashiga (necktie) midabkiisu casaanka yahay ee uu Muj. Axmed Mire u soo xushay suudhka madawga ah, ayaa isna diraya fariin ah inuu yahay qof leh hammi (ambition) ama hiigsi sare, dhinac walba ka xooggan, ahna qof degen, sidoo kalena ah mid dareenkiisu kacsan yahay (aggressive) oo si qumman ama aan qallooc lahayn u fikiraya, una doodaya.

Inkasta oo ay macquul tahay in qaabka ay u soo lebbisteen masuuliyiinta kulmay uu yahay mid si heer sare ah loo qorsheeyey ama loogu talogalay inuu diro fariimahaas aan soo sheegnay, màadaama ay dadka Soomaalida ah lebbiska u qaataan oo qudha qurux iyo asturnaan, wax kale oo ugu dhex qarsoonna aannu jirin, balse waxa cad in kolayba kulankani ku qotomo ujeeddo leh macno weyn.

Sida cadna, Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ay guul siyaasadeed u noqonaysaa kulankan dadweynaha loogu diray farriinta miisaanka culus xambaarsan, halka sidoo kale ay arrintani lib siyaasadeed u noqon karto Muj. Axmed Mire oo u muuqda inuu waqtigan ku soo dhawaanayo sidii dib ugu soo laaban lahaa saaxadda siyaasadda Somaliland oo uu muddo dheer bannaanka ka joogay, waxaanna la sugayaa halka ay arrintani sal dhigato mustaqbalka dhaw Insha Allaah.

W/Q: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargaysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories