HomeFarqiga u dhexeeya Lacagta Ku Baxday Dhismaha Madaarka Berbera iyo Qiimaha Wasaaradda...

Farqiga u dhexeeya Lacagta Ku Baxday Dhismaha Madaarka Berbera iyo Qiimaha Wasaaradda Duulistu ku bixisay Qandaraaska + Tuhunno Soo If-baxay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Shirkadda Tekleberhan Ambaye Construction (TACON) oo ah shirkad laga leeyahay dalka Itoobiya, ayaa shaaca ka qaadday xaddiga lacageed ee ay ku fulisay Qandaraaska dhismaha Terminal-ka Madaarka Berbera iyo deyrka taarka ah oo ay ku wareejisay, kaas oo madaxweynaha Somaliland dhowaan Xadhigga ka jaray.

Sida uu baahiyey Wargeyska Addis Fortune ee ka soo baxa dalka Itoobiya oo xogwaraysi la yeeshay Guddoomiyaha Shirkadda TACON, waxa uu sheegtay in dhismaha ay fulisay uu ka kooban yahay, Teerminaal iyo taar lagu soo wareejiyey masaafad dhan 12 Kilomitir oo madaarka ah, waxa aanay shirkaddu xustay in lacagta qandaraaskan ay ku qaadatay ay dhan tahay 83 Milyan oo ah lacagta Birr ee dalka Itoobiya, taas oo faa’idada ay shirkaddu ka heshayna ay ahayd Saddexda Milyan ee dheer 80 ka Milyan ee Birr.

IMG_0602Warku waxa uu intaas ku daray in dhismahan oo bilowday hal sano ka hor, uu ahaa mashruuc wada jir ay u fulinayeen shirkaddan dhismaha ee Itoobiyaanka ah TACON iyo shirkad dhismaha iyo maalgashiga ee Afro-sino (Afro-sino Constructing & Investment Company) oo laga leeyahay Somaliland.

Ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee shirkadda TACON Md. Eng. Habtamu Mengiste oo waraysi talefanka ah siiyey wargeyska Addis Fortune ayaa mar uu ka jawaabayey sababta halkii sano uu ugu dhammaatay 2015ka, waxa uu ku cowday in dhismhuhu uu qaatay hal sano, laakiin sababta keentay in dhamaystirku dib u dhacaa ay tahay qalabka dhismaha looga baahnaa oo heliddiisu deegaankaas ku yarayd, iyo shaqaale tababar oo aan laga helayn. Eng. Habtamu oo arrintan ka sii hadlaya ayaa waraysigan ku yidhi, “Caqaadaha ugu waaweyn ee dhismahani waxa ay ahaayeen cimilada kulul ee deegaanka, oo weliba si aad ah u sii kululaata inta u dhaxaysa bilaha Juun illaa Sabtembar iyo shaqaale tababaran oo aan dalka laga helayn, oo ay qasab nagu noqonaysay in aanu dad shaqaale ah ka soo qaadanno Itoobiya” waxa aanu ku soo gabagabeeyey, “Waxa aanu sidoo kale shaqaynaynay habeenkii, cimilada kulul awgeed”

Shirkadda TACON oo sii sharraxaysa waxyaabaha ay qandaraaskan ku dhistay ayaa sheegtay in Teerminaalka dhismihiisa ay ku hoos jireen adeegyo kale oo ay ka mid tahay, bar-kaantarool oo shandadaha iyo xamaamta dadka la mariyo, baro lagu sugo ammaanka, qalabka lagu raadiyo laguna wargeliyo dadka, qalabka isgaadhsiinta, qalabka shandadaha qaada , miisaanno qaadi kara culays dhan illaa 200 kilogaraam, taangi biyood, iyo jid laammi ah oo dhabbaha diyaaradaha taga.

Shirkadda TACON waxa ay sheegtay in barxadda teerminaalka ay dhistay ay ku fadhido dhul ballaciisu dhan 3’200 oo Mitir Laba jibbaaran ah. halka dhererka deyrka taarka ah ee shirkaddu ku wareejisay madaarka Berbera dhamaa 12 Kilomitir. Warkan uu Geeska Afrika soo turjumay, waxa uu wargeyska Addis Fortune oo ka faallooda arrimaha ganacsiga iyo dhaqaaluhu ku soo koobay, wasiirka duulista iyo hawada ee Somaliland ayaa qandaraaskan bixiyey.

Qaddarka lacagta ay shirkadda TACON sheegtay in ay ku qaadatay qandaraaskan ayaa marka faa’idadeeda lagu daro sarrifka doolarka ku noqonaya qaddar dhan $ 4,073,120.42 (Afar Milyan, Toddobaatan iyo Saddex Kun iyo Boqol iyo Labaatan iyo Afartan iyo Laba Senti oo doolar), taas oo ay labada shirkadoodba ku fuliyeen qandaraaska.

Bishii Labaad ee sannadkii 2012kii ayaa ay ahayd markii guddida qandaraasyada qaranka ee Somaliland ay ku dhawaaqday in qandaraaska dhismah teerminaalkan iyo deyrka taarka ah ay ku guulaysateen shirkadaha TACON iyo Afro-sino. Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka oo maalintaas warbaahinta la hadlayna waxa uu sheegay in labadan shirkadood ay madaarka ku dhisi doonaan lacag dhan, $ 4,396,485.45 (Afar Milyan, Saddex boqol sagaashan iyo Lix kun, Afar Boqol iyo siddeedtan iyo Shan iyo afartan iyo shan shanti oo Dollar).

Lacagta Shirkaddu sheegtay iyo lacagta Guddiga Qandaraasyadu shaaciyeen, waxa u dhexeeya Qaddar lacageed oo dhan $323,365.03 (Saddex Boqol labaatan iyo Saddex Kun, saddex boqol lixdan iyo Shan iyo saddex Santi), lacagtaas oo muujisay tuhun ah sababta ay u kala duwanaadeen labada lacagood ee shirkadda iyo wasaaradda Duulistu kala sheegeen.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories