Home‘Farqiga Taajirka & Faqiirka Ee Sida Weyn u Kala Fog Iyo Camal...

‘Farqiga Taajirka & Faqiirka Ee Sida Weyn u Kala Fog Iyo Camal La’aanta Baahday, Waxay Khatar Ku yihiin Amniga Dunida’

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

WARBIXIN – Golaha Dhaqaalaha Aduunka

“Dakhli korodhka dadka ee u kobcaya sida aan loo sinayni waa khatarta ugu weyn ee ay  dunidu wajahi karto tobanka sanno ee soo socda.

Waxay degdeg meesha uga saaraysaa dabaqaddii dhexe ee dhamaan waddamada Dunida waxaanay cidhiidhi gallinaysaa dhaqaalaha caalamka,” Sidaas waxa lagu sheegay warbixin digniin ah oo ay soo saareen  golaha dhaqaalaha dunidu (The World Economic Forum [WEF]).

WARBIXINTAWarbixintan, oo diyaarinteeda ay iska kaashadeen in ka badan 700 oo khabiiir oo dunida isaga kala yimid, waxay si ba’an uga digtay dhibaatada ka dhallan karta, farqiga xad dhaafka ah ee u dhexeeya dakhliga soo galla dadka ugu tijaarsan dunida iyo kuwa ugu faqiirsan, waxaanay taasi dhallin kartaa ayaa lagu sheegay warbixinta khatar aan laga soo waaqsan oo dunida soo food-saarta 10-ka sanno ee foodda inagu soo haya.

Cimilada sii xumaanaysa ee ay ka midka yihiin, duufaanada iyo abaaraha, ayay warbixinta ku tilmaantay khatarta labaad ee ay dunidu wajahi karto. “Arintan ayaa ah mid layaab badani ku duugan yahay, Haddii aynu ka eegno dhinaca mashaqada ka dhallan karta,  Biyo yaraanta,  ama biyaha oo si xad dhaaf ama lama filaana ah u soo fataha, waxay sababi karaan arin dareen keeda leh,  walow ay jirto in wakhti xaadirkanba dunidu si dabiici ah biyaha ugu aqoonsan tahay khatar caam ah (dunida oo dhan khal khal ku ah ),” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Shaqo la’aanta adduunka wada saamaysay wakhtigan ayay warbixintu sheegtay inay kaalinta saddexaad kaga jirto mashaqooyinka dunida ku soo fool leh sanadaha soo socda, khaas ahaan camal la’aanta haysata dhallinyarada oo ay warbixintu ugu magac dartay “Fil-guur”(Lost Generation).

Tartanka helida fursadaha shaqo ayaa cirka isku shareeri doona iyada oo aanay meesha ka baxayn sixir bararka goobaha aqoonta laga hello ( dugsiyada iyo jaamacaha ), sida warbixintu tilmaamayso.

“Natiijada burburka dhaqaalaha dunida iyo aduun-edegaynta cusub (globalization), da’yarta gaadhay cimrigii ay suuqa kaga xoogsan lahaayeen waxay ku keenay saa korna usii qaadaysaa hirdan dhinaca fursadaha shaqada ah iyo baahida taageero ee dadka waaweyn,” sidaa waxa yidhi David Cole oo ururkan khubarada madax uga ah qaybta khataraha.

Warbixintani waxa kale oo ay xustay, “Iyadoo ay suuq-yadu marba marka ka dambeysa sii camirmayaan, shaqooyin badana la heli karo, hadana taasi maaha mid meesha ka saaraysa adoonsiga shaqaalaha ee hawl qabadkooda, mana keenayso ku qanacsanaantii loo baahnaa ee xirfadlayaasha.”

Sida warbixintan lagu sheegya, wadamo badan, gaar ahaan Yurub, camal la’aanta da’yartu  waa mid sii kordhaysa maalinba maalinta ka dambeysa  oo xadhkaha sii goosanaysa. Giriiga iyo Spain oo kale waxay shaqo la’aantu cago cagaynaysaa 60 boqolkiiba in dhalinta da’doodu ka hoosayso 25 jirku  bilaa camal noqdaan.

Warbixin gaar ah oo ay soo saartay hay’adda  Credit Swiss, ayaa lagu sheegay in dabaqadaha dadka Ruushka ah ee Bishii October sanadkii tagey (2013 )  ay ahaayeen wadanka ugu sareeya dunida ee sinaan la’aanta qaninimada (Maalka).

Warbixinta oo dheerayd balse aanu soo koobnay,  waxay ku nuux nuuxsatay in Dunida oo dhan, maalqabeenada oo kali ahi haystaan boqolkiiba boqol nolosha isku qoofalan.

Warbixintan waxa Soo Tarjumay Caydaruus Sh. Cumar Geeddi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories