HomeFaroole oo Madaxweynaha Soomaaliya u Soo Jeediyay in uu Is Casillo

Faroole oo Madaxweynaha Soomaaliya u Soo Jeediyay in uu Is Casillo

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Garoowe(SLpost)-Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ugu baaqay inuu is-casilo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay in saddexdii sano ee xafiiska joogay ay kaga dhamaatay khilaaf iyo is-qab-qabsi.

Faroole oo ka Hadlayay Garoowe ayaa Sheegay in Saddexdii Sano ee Xasan Sheekh uu ahaa madaxweynaha aysan waxba qaban, isla markaana tahay saddex sano khasaartay.

“Saddexdii sano wax la sheego oo la qabto ma jirto, wax khasaaray mooyaane, saddex sano waxay kaga dhamaatay khilaaf gudaheeda ah iyo dhowr Ra’iisul wasaare oo la bedelay, maamulladii loo igmaday oo khilaaf soo kala dhex-galay, maantana wuxuu khilaaf dhex-taagan labadii hay’adood ee madaxtooyada iyo baarlamaanka,” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Mudane Faroole ayaa xusay inuu qabo in doorasho Somaliya ka dhici karto haddii si fiican loo shaqeeyo, isagoo xusay inuusan garan karin wax aan doorasho ahayn oo doorasho ah inay dalka ka dhacdo.

“Heshiiska hadda la soo saaray ee beesha caalamka door ku lahayd, ee la leeyahay waxaa la raadinayaa waxaan doorasho aan ahayn oo doorasho ah, aniga ma garan waxaan doorasho ahayn oo doorasho ah maba dhici karto, aniga waxaa qabaa in doorasho ay dhici karto hadii si fiican loo shaqeeyo,” ayuu yiri Faroole.

Dhanka kale, Faroole ayaa ugu baaqay Xasan Sheekh in haddii uusan waxba qaban karin inta uga hadhay xilka uu is casilo, isagoo intaas ku daray in waqtiga haray uu aaminsan yahay in wax la qaban karo, sida meelaha khilaafka ka jira laga heshiiyo.

“Waxaan leeyahay Xasan Sheekh haddii aadan waxba qaban karin isaga tag xilka, C/llaahi Yuusuf-ba maalin buu ka tagay isagoo aan xilligiisu dhamaan, ceebna ma ahan haddii aad is-casiho oo sheegto inaadan waxba qaban karin,” ayuu yiri Faroole.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa u hadhay muddo sannad ah, iyadoo laga filayo inay Sannadka 2016 ay ka dhacdo dalka doorasho ka duwan tii dhacday 2012-kii.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories