HomeFarmaajo Oo Cambaareeyey Heshiiska Somaliland & Ethiopia oo uu noociisa hore Ula...

Farmaajo Oo Cambaareeyey Heshiiska Somaliland & Ethiopia oo uu noociisa hore Ula galay Abiy Ahmed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa cambaareeyey heshiiska iskaashi ee maanta dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia, kaas oo uu ku tilmaamay mid baal-marsan xeerarka caalamiga ah.

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxa uu arrintan kaga hadlay Qoraal uu goor-dhawayd ku baahiyey bartiisa Facebook. Mowqifka Farmaajo ee xilligan ayaa ka hor-imanaya aragtidii uu aaminsanaa iyo heshiis hore u dhexmaray Abiy Axmed xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya, kaas oo Ethiopia u oggolaanayey inay isticmaasho ama maalgashato dhowr dekedadood oo ku yaalla Soomaaliya.

Halkan waxaan idinku soo gudbinaynaa qoraalka uu Farmaajo Caawa kaga hadlay heshiiska Dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia iyo Muuqaal uu kaga hadlay heshiis uu Abiy Ahmed kula galay inay Ethiopia isticmaasho ama wax ku yeelato Dekedaha Soomaaliya.
Kala duwanaanshiyaha mowqifyada Farmaajo, ayaa muujinaya laba wajiileynta cadaawadda iyo damaca ku dhisan ee Farmaajo iyo xulafadiisu u hayaan Somaliland.

Akhriste, ka dhufo Qoraalka Farmaajo ee caawa iyo Hadalka uu hore u yidhi xilligii uu madaxweynaha ahaa, dabadeed maxaa kuu soo baxay?!!!

+++++++++++++++++++++++++++++++++++

QORAALKA FARMAAJO:

Heshiiska damaca guracan ee Itoobiya ku dooonayso dhul iyo bad ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyey dareenka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed, waana mid mudan in aan la dhayalsan khatarta ka dhalankarta haddii lagu soo xadgudbo madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Heshiiskan waxa uu baal marsan yahay shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah iyo kan midwoga afrika, waxa uuna dhaawac ku yahay wadajirka iyo xasilloonida dalalka gobolka, sidaas awgeed waxaan caddaynaynaa in cid kasta oo ku lug leh ay ka galeyso taariikhda baal madoow, qaadanaysana masuuliyadda cawaaqib xumida ka dhalan karta.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantowdo damacaan gurracan oo wiiqaya heshiisyadii is-dhexgalka bulsho iyo iskaashiga heer gobol, kaas oo ay aas-aas u ahayd ilaalinta madaxbannaanida iyo dowladnimada shucuubta gobolka, si waafaqsan xeerarka gaarka u ah dal kasta iyo shuruucda caalamiga ah.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay degdeg ugu istaagaan gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan xadgudubka ka dhanka madax-bannaanida iyo gobanimada dalkeenna, anigoo xasuusinaya guushii aynu ka gaarnay kiiskii dacwadda Badda ee nagala dhexeeyey Kenya uu saldhig u ahaa qaraarkii dhaxal-reeb ee uu soo saaray Baarlamaankii 8-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh waxaa waajib ku ah ilaalinta midnimada dhuleed, badeed iyo umadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la dhawrayaa go’aammada masiiriga ah iyo tallaabooyinka qaran ee u qalma jiilasheenna danbe.

Dadka Soomaaliyeed, shacab iyo masuuliyiinba waxaan ugu baaqayaa in aynu u midowno qadiyaddan halista ah, innagoo meel iska dhigayna kala fikir duwanaanshaha iyo khilaafkasta oo dhexdeenna ah. Una midowno ilaalita badeenna, dhulkeenna iyo ummaddeenna.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories