Home"Farmaajo Isaguba Waaba Shicib, Sabab Aanu U Aragnaana Ma Jirto" Hoggaamiyaha Xisbiga...

“Farmaajo Isaguba Waaba Shicib, Sabab Aanu U Aragnaana Ma Jirto” Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI  Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa wax aan jawaab mudnayn ku tilmaamay wararka sheegaya in weftigii xisbiga Waddani ee tagay Nayrobi ay kulamo la yeesheen madax ka tirsan dalka Somaliya.

maxresdefault

Hoggaamiye Xirsi oo u waramay Star TV, wuxuu ugu horayn yidhi “Horta beeni raad ma l eh, waa wax laga xishoodo oo laga yaqyaqsoodo runtii, war been ah oo aan macno lahayn in meelahaas laga keeno oo sawiro la isu geegeeyo, wax ala wax ka jiraana ma jirto, weftigayaguna Somaliya lama kulmin manaanu arag, muraadna kamaanu lahayn oo danta dalkayaga iyo dadkayaga ayaanu u tagnay.” ayuu yidhi Xirsi oo intaas raaciyay “Weftigii halkan ka baxay aniggaa hoggaaminayay,. Cirroana halkaas (Kenya) ayuu nagaga horeeyay Maxamed Biixina wuu noogu yimid, anigii weftiga watay iyo Maxamed Biixi nama soo qaadaan ee haddaan cid gaar ah loo jeedin, dadkeenuna uma baahna in la qaybiyo oo la qoloqoleeyo, in cid gaar ah la beegsadaa waxay keeni doontaa damqasho gaar ah oo aan raaligelin doonin dhinaca kale.”

Xirsi oo ka hadlaya Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid, wuxuu yidhi “Farmaajo isaguba waaba shicib, sabab aanu u aragnaanama jirto, ina cabdirashiidna maanu arag, sabab aanu u aragnaana ma jirto, qarankuna nooma dirin, aragtidiisa wax alla waxaanu uga baahanahay ma jirto, doorashadayada iyo hawlahayaga ayaanu u diyaar garoobaynaa, marka labaadna waxaanu u soconay inaanu duruufihii iyo dhibaatadii taagnaa dunida u bandhigno. Wax Somaliya nooga qorshaynsaa ma jirin, waad ogayd oo weftigii u dambeeyay oo aniga iyo Maxamed Biixi Turkey ku soo kala kacnay oo isku soo diidnay. waxase layaab leh, shalay markaan wasiirka madaxtooyada ahaa, waxaan ka mid ahaa 8-dii jeer ee la wada hadlayayba, waxa nala socday wasiirkii khaarajiga (Maxamed Biixi) oo safarkana wada soconay, waxa weftigayaga na hoggaainayay guddoomiyihii baarlamaanka, ma guddoomiyihii baarlamaanka ayaa la tuhumayaa, shalay maxaa naloo  tuhmi waayay markaanu xilka haynay, maanta xilba ma hayneee. Waxa kuu muuqanaysa inay tahay ducufnimo iyo war aanay waxba ka jirin.”

Isagoo la hadlaya murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, wuxuu yidhi “Annagu waxaanu leenahay qolada xisbiga KULMIYE iyo murashaxa, anigu murashax uma aqaane waxaan u aqaanaa in si khalada loo cumaamadee, Muuse waxaan leeyahay iska daa’ waxyaabaha aan macnaha lahayn iyo joornaalada la isku kabkabay, ee beenta ah, wax macno leh la kaalay ood kula tartanto murashaxa aanu wadno, dhammaana waxaan leeyahay aan wanaaga ka shaqayno, had iyo goor doorashooyinku dadka way furfuran, inagoon doorashoyinba gaadhin inaan sii furfuranaa sax maaha.”

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories