HomeFaransiiska iyo Sucuudiga oo Kala Saxeexday Heshiis Ku Kacaya $3 Bilyan oo...

Faransiiska iyo Sucuudiga oo Kala Saxeexday Heshiis Ku Kacaya $3 Bilyan oo lagu Hubaynayo Milatariga dalka Lubnaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Paris (SLpost)- Waddamada Faransiiska iyo Sucuudiga, ayaa qarka u saaran inay soo gebo-gabeeyaan heshiis Milatari oo ku kacaya Saddex Bilyan oo Dollar ($3bn), kaas oo noocyada kala duwan ee Hubka loogu iibinayo Ciidamada Qalabka-sida ee dalka Lubnaan.

Heshiiskan ayaa lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada dalka Faransiiska maalintii shalay, kaas oo daba-socda wada-hadallo ay magaalada Paris ku yeesheen Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande iyo Amiirka iska leh Dhaxalka boqortooyada Sucuudiga Amiir Salman Bin Cabdulcasiis.

France_SaudiMadaxweyne Hollande oo ay kulan casho ah wada-qaateen Amiir Cabdicasiis, ayaa sheegay inuu dalka Lubaan muhiimad u leeyahay waddamada Khaliijka iyo qaaradda Yurub, balse uu yahay waddan u nugul khataraha dhinaca ammaanka una baahan in laga caawiyo dhinaca ammaanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

“Waxaynu isugu nimi haddaynu nahay Sucuudiga iyo Faransiiska inaynu u caawinno Lubnaan sida ay iyaguba isugu caawiyaan ilaalinta ammaankooda,” ayuu madaxweyne Hollande ka sheegay kulanka cashada ah ee dhexmaray amiirka iska Leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga.

Amiir Salmaan oo booqasho saddex maalmood qaadanaysa ku jooga dalka France ku gaadhay shalay, waxa kulanka casho-sharafta ah oo Madaxweyne Hollande ku maamuusay goob-joog ka ahaa wakiillo ka socday shirkadaha Hubka sameeya ee waddanka Faransiiska.

Milatariga dalka Lubnaan oo ay dhibaato ka haysato Hubka noocyadiisa kala duwan oo tiro ahaan iyo tayo ahaanba ku yar, ayaa bulshada caalamka ka dalbaday in laga taageero sidii ay ula tacaali lahaayeen cawaaqib-xumo ay kala kulmaan dagaallada ka socda waddanka ay jaarka yihiin ee Suuriya oo qaybo badan oo ka mid ah gacanta u galay dagaayahannada kooxda Islaamiyiinta ah ee DAACISH.

Ciidamo ka tirsan Milatariga dalka Lubnaan, ayaa dhowaan magaalada Arsal ee xuduudka dalka Suuriya waxa uu dagaal ku dhexmaray dagaalyahannada ka tirsan DAACISH oo guryihii ay deggenaayeen ka gubay Qaxoonti u dhashay dalka Suuriya .

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories