HomeFannaanka Nuur Daalacay Iyo Qurbe- Joog Shahaado Sharaf Guddoonsiiyey Maamulka Dawladda Hoose...

Fannaanka Nuur Daalacay Iyo Qurbe- Joog Shahaado Sharaf Guddoonsiiyey Maamulka Dawladda Hoose Ee Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Gabiley, (SLpost)– Qaar ka tirsan qurbajoogta reer soomaaliland ee wadanka UK oo uu horka caayo Fanaanka way nee Nuur Aw Jaamac (nuur daalacay)ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay Mayarka dagmada Gabiley Khadra Xaaji Gaydh  iyo xoghayaha dowlada hoose ee gabiley C/raxmaan Nuur Abokor,Munaasibadaasi  oo lagu qabtay xafiiska maayarka dagmada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley.

blankMunaasibadaasi oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Gabiley Maamulaha Xarunta agoomaha,Gudoomiyaha uruka haweenka Gobolka Gabiley Sahra Muuse,iyo dhamaan shaqaalaha ka howgala Xarunta D/Hoose ee Gabiley, iyo marti sharaf kale oo badan.

blankXafladani oo ahayd mid heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu qabtey Xarunta Maamulka D/hoose ee Magaalada Gabiley,ayaa waxa ugu horeyn hadal amaana iyo dhiirigalina ka jeediyay Fanaanka Nuur Daalacay, oo u Hadley xubnaha qurba jooga ah ee Gudoonsiiyay, Maayarka Gabiley Shahaadada ayaa, sheegay in loo baahan yahay in lagu deydo Maayarka iyo Xoghayaha, waxqabadka ay qabteen Mudadii ay joogeen taasoo ay ka dhiseen D/Hoose hool wayn oo loogu talo galay Shirarka  iyo xafladaha munaasibadaha ah waxaanu ku dheeraaday wax qabad ka kale ee ay ka fuliyeen Gobolka Gabiley Axmed Nuux Madar(Axmed-Cadeyska),oo kamid ah jaaliyada UK ee Reer Somaliland

blankAxmed Nuux Madar (axmed-cadayska),oo kamida jaaliyada reer soomaaliland ee wadanka UK ayaa isaguna xafladaas hadal ka soo jeediyay waxaanu sheegay ujeedada ay u gu talo galeen munasibadan waxaanu yidhi-“ waxaanu halkan u nimid in aanu shahaado gudoonsiino, Maayarka iyo Xoghayaha Gabiley, oo aanu ku gudoonsiinayno waxyaabaha ay qabteen, taas oo ah waxaqabadyadii uu Xisbiga Kulmiye, u balanqaadey dadweynaha markii uu kaambeynka ku jirey, waananu u hanbalyeynaynaa ilaaheyna waxaan uga rajeyneynaa in ay ku guuleystaan swax kasta oo wax qabada oo ay ka samaynayaan Gobolka Gabiley”Sidaa Waxa yidhi Axmed Nuux Madar(Axmed-Cadeyska).

blankWaxa isaguna xafladaasi hadal kooban ka soo jeediyay Xogahayaha D/hoose ee Gabiley C/ramaan Nuur Abokor oo ugu horayn u mahad naqay Qurbajoogta reer soomaaliland ee wadanka UK waxaanu sheegay inay wax qabad kani ay qabteen yahay waajibaad looga baahnaa, in bulshada loo qabto waana waajib in loogu mahad celiyo cid kasdta oo ka howl gasha Arimaha Bulshada jecelna inay umada wax u qabtaan.

blankGabagabadii xafladaasi Maayarka Gabiley, Khadra Xaaji Geydh ayaa u mahad celisay Qurbajoogta Reer soomaaliland ee wadanka UK Shahaadada ay gudoonsiiyeen,waxaanay sheegtey in ay waxaqabadyadoodu qeyb ka yihiin balanqaadyadii Madax-wayne Siilaanyo Balan   u balanqaaday dadweynaha xiligii Ololaha Lagu jirey wakhti xaadirkan lagu jirana uu kordhay  dhaqaalihii,taasoo  loo kor dhiyay Askartii iyo Shaqaalihii kaleba.

Fanaanka caanka ah Nuur Daalacay iyo xubno qurba joog ah oo wehelinaya ayaa, kusoo noqnoqday Gabiley iyagoo ay soo jiiteen Waxaqabadyada Maayarka iyo Xogahayaha D/hoose Gabiley, sida dhismayaasha jidadka bilicda Xarunta D/hoose Gabiley iyo Dhismaha Hoolka Wey nee Gudaha Xarunta D/Hoose.

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories