HomeFannaaniintii Xidigaha Geeska Ka Tirsanaa oo Lagu Sii Daayey Amar Maxkamaddeed.

Fannaaniintii Xidigaha Geeska Ka Tirsanaa oo Lagu Sii Daayey Amar Maxkamaddeed.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)Wasiirka wasaaradda warfaafinta jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo galabta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa caddeeyay in galabta xabsiga laga soo daayey afartii fanaan ee ka tirsanaa Xiddigaha Geeska ee ku xidhnaa Hargeysa afarta maalmood.

Wasiirku wuxuu kaga hadlay shirkiisa jaraa’id sababta loo xiray fanaaniintaasi oo Muqdisho ka soo dhigay bandhig faneed Ciidii.

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa ku amray taliyaha qaybta boliiska ee dambi baarista CID iyo taliyaha saldhiga dhexe ee boliiska ee Hargeysa inay sii daayaan maxaabiista.

 

Guddoomiyaha maxkamada gobolka ee Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa amar qoraal ah oo uu soo saaray maanta wuxuu go’aamiyay in xoriyadoodii loo soo celiyo fanaaniinta Nimcaan Cabdiraxman Xasan, Maxamed Axmed Bakaal, Cabdiraxman Caydiid Cabdi iyo Xamda Cabdi Queen. Guddoomiyaha ayaa ku amray taliyaha qaybta boliiska ee dambi baarista CID iyo taliyaha saldhiga dhexe ee boliiska ee Hargeysa inay sii daayaan maxaabiista.

 

Fanaaniinta ayaa boliisku ka qabteen gegida dayuuradaha ee Hargeysa iyagoo Axadii ka soo laabtay magaalada Muqdisho oo ay bandhig faneed ka soo dhigeen Ciiddii.

Maxkamadu waxay sheegtay booliisku inuu ilaa hadda ku guuldareystay inay maxkamada horkeenaan sabab sharci oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan amar qabasho iyo inay keenaan xogaha dhacdada, sababta xadhiga iyo cadaymaha la helay oo faah-faahsan.

Qoraalka maxkamadda waxaa kaloo lagu sheegay in iyadoo maxkamadu ka duuleysa distoorka Somaliland qodobka 25-aad oo daamanad qaadaya xorriyaadka aasaasiga ah ee shakhsiyaadka ay reebantay inaan qofna xorriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.

Maxkamadu waxay sheegtay inaanay banaaneyn in qofna la qabto, la baaddho, ama la xayiro haddii aanu markaasi denbi faraha kula jirin , ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo xidhin garsoore awood u leh.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in garsooraha maxkamada gobolka Hargeysa shalay ku diiday booliiska inuu sii hayo maxaabiistan, isagoo u cadeeyay booliiska garsoorhu inaanay maxaabiistani garsoorka u xidhneyn.

Wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegay in afartan fanaan ee Xiddigaha Geeska loo xidhay iyagoo kaga soo qayb galay Muqdisho barnaamij ka soo horjeeda madaxbanaanida Somaliland.

Hanaanka dib u habayneed ee Garsoorka Somaliland ayaa u muuqda mid caddaaladda ku salaysan islamarkaana dhawraya xuquuqda dadka, iyadoo guddoomiyaha maxakamadda sare dhawaan sheegay in qofka iyadoon la xidhin dacwadiisu maxakamadda ka socon doonto.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories