HomeFannaaniin ka tirsan Xidigaha Geeska oo Muqdisho ka Degay

Fannaaniin ka tirsan Xidigaha Geeska oo Muqdisho ka Degay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)- Qaar ka mid ah Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska ee fadhigooda yahay magaalada Hargeysa ayaa maanta gaadhay magaalada Muqdisho, iyagoo habeenka Ciidul Adxa ay qaban doonaan bandhig faneed ay farxada ciidda kula wadagayaan shacabka Muqdisho.

 

Fanaaniintan oo kala ah Nimcaan Hilaac, Maxamed Axmed Cirro Bakaal, Xamda Queen iyo C/raxmaan Oday ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Fanaanka Nimcaan Hilaac oo ciiddii la soo dhaafay bandhig faneed ka dhigay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu mar kale ku faraxsan yahay inuu ku soo laabto magaalada Muqdisho, isagoo ay weheliyaan asxaabtiisa Kooxda Xidigaha.

 

Sidoo kale C/raxmaan Oday ayaa isna sheegay in shacabka Muqdisho ay kula dabaal degayaan farxada ciida, ayna aad ugu faraxsan yihiin inay yimaadaan caasimadda Soomaaliya.

 

Maxamed Axmed Bakaal “Cirro” ayaa ka mahad celiyay sidii diirneyd ee loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 Xidig1

Fanaanada Xamda Queen oo sheegtay in ay tahay markii u horeysay ee ay Muqdisho timaado ayaa xustay inay faraxsantahay, ayna uga mahad celineyso taageerayaasheeda sidii wacneyd ay u soo dhaweeyeen.

 Xidig3

Ugu dambeyn Fanaaniintan ayaa uga mahad celiyay Hey’adda CCD inay gacan ka geysatay imaanshahooda magaalada Muqdisho, ayna ku faraxsan yihiin inay bandhig faneed ay qaban doonaan habeenka Ciida.

 

Fanaaniintan ayaa fadhiguudu yahay caasimada Somaliland ee Hargaysa iyagoo dhawr jeer isku dayay inay Muqdisho tagaan laakiin ay u suurtoobi wayday,kadib markii qaar ka mid ah oo uu ku jiro guddoomiye Xassan Dhuxul Laabsaalax lagu xidhay Madaarka Caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Fanaaniintan ayaa inta badan waxa gacanta ku haysay xukuumadda iyo Tvga Hctv kuwaasi oo ka qayb galin jiray barnaamijyada madadaalada ah ee fankooda ku saabsan wallow dhawr jeer ay labadaba is khilaafeen.

Fanaaniintan ayaa taageerayaal xoogan ku lahaa gudaha Somaliland,kuwaasi oo niyad jab ka muujiyay mar ay barnaamij u qabteen tiifiiga Somaaliya, kuwaasi oo iska lumiyay Taageerayaal badan .Xidig1 Xidig2  Xidig4 Xidig5

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories