HomeFanaxda iyo Quruxdeeda – W/Q: Cabdifataax

Fanaxda iyo Quruxdeeda – W/Q: Cabdifataax

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Waa Qurux oo Dadka leh Ayaa Qurux badan?Yaa Yidhi waa Qurux ama u heysta Fanaxada Qurux?Maxaad adigu ku diidey ama uga soo Horjeeda Waa Abuur ilaahey oo sidaasi Ayey ku qurux badan tahaye?Haye Ma dooneysaa Qof Fanax leh in aad Nolosha la wadaagto? Qofku cida uu nolosha la wadaagayo isaga Ayaa u xor ah?Jawaabta danbe Madmadow Ayaa ku Jira?Dumarka iyo Raga Midkee Ayey fanaxdu ku  badan tahay?Maxaad uga Jeedaa Su,aashaasi labadaba waa lagu Arkaa hase ahaate Ma badna dadka leh Fanaxda Muuqata ee la dareemi karaa.Ugu danbeynta Su,aasheydu waa Ma la odhan karaa Dadka fanaxda leh gaar ahaan Hablaha Waxa ay ku heysaa Cuqdad iyo Kalsooni daro Ay ka qabaan quruxdooda ama in Fanaxdaasi baajiso dad badan oo la Hadli lahaa Miyaaney sax aheyn.Hadaan ku Fahmey waxaad su,aalahaasi oo dhan i  weydiisey hore aan u sii guda galno Qoraalkan.

Dad badan Ayaa leh Dhextaalo banaan oo u Dhaxeeya Ilkahooda oo aan isku Dhaweyn ama aan isku dhagsaneyn.Laba ilig faraqa u Dhaxeeya ee banaan Ayey Fanaxdu inta badan ka timaada.Marka Fanax ama ilko kala durugsan laga hadlaaya inta bada waxa loo Jeeda kala fogaanshaha u dhaxeeya labada ilig ee sare ama kuwa hoose ee la mid ah ama ka soo Horjeedaan ee Hoose.Inta badan waxa la arkaa Fanaxda sare ee Ilkaha hase ahaate waxa Jirta dad labada qeyboodba ku leh Fanax sare iyo Mid hoose oo aad u weyn,halka dadka qaarkood ay tahay mid yar oo koobaan.In Fanaxda qurux loo arkaa Dhab ahaanti waa aragti dad badan,sidoo kalena in Fanaxda loo arko Qeyb ka mid ah Foolxumada Ilkaha heysata Ayaa dad badan oo kalena ay qabaan waase Abuur ilaahey oo ay tahay in sidaasi lagu ogolaado.

Kasakow labada ilig ee hore ama Foolasha marka laga tago waxa Jira  in dad badan ay heysato kala fogaansho xaga ilkaha ah ama ilkaha oo aan is leekeyn,iliga soo baxaya iyo Meesha uu heysto ayaa marar badan Keena,Marmar Cidhiidhi Ayaa iliga ku dhaca oo iliga oo weyn iyo Halka uu ka soo baxaayo ee u baanaan oo aan islaheyn ayaa sababa Raarmid,Marmarna iliga ayaa ka yaraada Meesha banaan ee loogu talo galay in uu ka soo baxo.

Inta la yaryahay Ayaa Dhalaan badan oo soo Koraya waxa ilkaha kaga dhaca Xanuuno aad daremeyso in ilkuhu daadanayaan ama ay aad u kala fog yihiin,Markase dadku ay koraan waa wax habeysma oo Qurux ayaa ka soo baxda,Sannado badan ka dib marka haddana la gaboobo Ayaa dad badan Afku isku dumaa oo ay noqdaan kuwo aan kala qaadi karin,waxba ku cuni karin ama aan qosliba kari  karin sida dad badan oo Fanax leh ay inta badan afka gacanta u saaraan marka ay qoslayaan,Dhinaca kalena dadka balwadaha leh sida Jaadka oo kale ayaa kuwo badan ilkahoodii ay boqolaal fanax ka dilaaceen iyo banaan miidhan.

in la buuxiyo,Birta ilkaha isku dhaweysa ama sinta loo Adeegsadana waa Mid u baahan Talo dhakhtareed,Aragtiyaha kale ee iga soo gaadhaya sida fanaxdu ku Dilaacdo ama sameysanto Ayaa sheegaya Cad ka soo dhex baxa Ilkaha qaarkood oo sababa kala fogaanshaha.Cuntada iyo Habka cabitaanka ama Culeyska carabka ku hayo ilkaha hore ayaa sababa kala fogaansho tartiib u bilaabma.Hidaha oo Hooyada ama Aabaha midkood uu leeyahay Fanax Weyn oo caruurtooda qaarkood yeeshaan mustaqbalka.

Isku soo wada Duub Aduunyada Madax iyo Dad caan ah oo Fanax lehna wa L arkaa,Inkasta oo ay aad u yar tahay Tirada dadka leh Fanaxda Xitaa markaad eegto Bulshadeen.Hablaha Fanaxda lehna rag badan Ayaan jecleyn halka kuwo kalena ay u arkaan in Calafka iyo Jaceylku ka xoog weyn yihiin in aad inanta ku qiimeyso Fanax weyn haddii ay leedahay,sida rag badaniba u leeyihiin.

Maqaalkana Waa mid Cilmi korodhsi ah isla markaasina Hoos tagaya Mawduucyada Caafimaad ee laga hadlo,Waana Abuur ilaahey wixii qofka Muslinka sida ilaahey u sameeyey lagu arko.Aniguna Keliya in aan la wadaago Akhristaha dareenka la xidhiidha Fanaxda iyo sida ay ku sameysanto Ayaan u soo Direy Maqaalkan.Diastema.qofkii ay dhibaato ku heyso Fanaxda ama ay si tartiib ah ilkihiisa ugu sameysmeysana waxa la gudboon in uu u tago Dakhtar.

 

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories