HomeFanaaniin Xidigaha Geeska ka Tirsan oo la Xidhay iyo Xukuumadda 0o ka...

Fanaaniin Xidigaha Geeska ka Tirsan oo la Xidhay iyo Xukuumadda 0o ka Hadashay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

 

Hargaysa(SLpost)-Xukumadda Somaliland ayaa xabsiga dhigtay 4 ka mid ah kooxda fannaaniinta Xidigaha Geeska ee fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa, kadib markii ay galinkii hore ee Axadda maanta ka soo dageen Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

 

Fannaaniinta ayaa maalmo ka hor Ciidii waxay ka dageen magaalada Muqdisho, iyagoo ka horna muddo ku sugnaa Nairobi. Markii ay Muqdisho soo gaadheen saxaafadda waxay u sheegeen inay bandhig faneed balaadhan ku dhigi doonaan Muqdisho, islamarkaana damaashaadka ciida maaweelin doonaan dadka fankooda taageera ee reer Muqdisho.

 

Afarta fannaan ee la xidhay ayaa la kala yidhaa;  Xamda Quen ,Nimcaan Hillaac , Maxamed Axmed Bakaal , iyo Cabdiraxman Caydiid Cabdi {Oday}

Wasiir kuxigeenka dhinaca maamulka gobolada ee wasaaradda daakhiliga Somaliland Axmed Faarax Caddarre, oo xadhiga hobaladan ka hadlaya ayaa BBC-da u sheegay in fannaaniintu ku xadgudbeen shuruucda Somaliland “Hoobalada la xidhay waxay u fasax qaateen Nairobi, waxay ka been sheegeen arrintaasi, dabeed waxay tageen Somalia, iyagoo dabeedna arrimo kale galay oo sidaad Tv-yada ka daawateen Calankii Somalia ay ka muuqanayeen, markaa waxay ku xadgudbeen xeerkii u yaalay Somaliland, sababtaas awgeed ayaa loo xidhay,” ayuu yidhi Wasiir xigeenku.

 

Waxa uu intaasi raaciyay “Fannaaniinta Somaliland ee qaranimada ka turjumaya xeer baa u yaala oo ahaa fannaaniinta iyo siyaasiyiintu waa astaanta metesha qaramada, waxayna ka tirsan yihiin shaqaalaha dawladda waanay xadgudbeen. Waxay ku jiraan shaqaalaha dawladda oo ay mushahar iyo gunno ka qaataan.”

Dhanka kale, fannaanadda Khadra Sinimo oo ka tirsan hogaanka kooxda xidigaha geeska ayaa sidan u sharaxday sidii loo xidhay fannaaniinta “Xalay ayay Fannaaniintu nala soo hadleen oo yidhaahdeen waanu soo soconaa, saaka anagoo ku sugayna Madaarka ayuun baa nalagu yidhi waa la qaaday, xaggee la geeyay markaanu nidhina cidiba way noo sheegi wayday, sidii ayaanu ku soo baxnay, aakhirkiina way xidhan yihiin ayaa nalagu yidhi in Saldhiga su’aalo lagu waydiinayana way ila tahay.”

 

Fannaanada ayaa Khadra Sinimo, waxay sheegtay inay u arkaan in fannaaniintu tagi karaan halkay doonaan islamarkaana xor u yihiin inay fankooda la wadaagaan dadka Soomaalida ah. Waxay sheegtay in ugu yaraan 6 ka mid ah kooxda Xidigaha geesku mushahar ka qaataan dawladda, kana mid yihiin shaqaalaha rasmiga ah ee dawladda.

 

Maalmihii u dambeeyay baraha bulshadu ku kulanto ee Internet-ka ayaa lagu falanqaynayay tagitaanka Kooxdan ee Muqdisho, iyadoo shacabka Somaliland muujinayay siday uga xun yihiin, halka shacabka Muqdisho muujinayay inay astaan u yihiin midnimada Somalia

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories