HomeFanaanad Aamina Cabdilaahi Xirsi Oo Maanta Ku Geeriyootay magaalada Boorama

Fanaanad Aamina Cabdilaahi Xirsi Oo Maanta Ku Geeriyootay magaalada Boorama

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa maanta magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ku geeriyooday Fanaanaddii caanka ahayd ee Aamina Cabdilaahi Xirsi oo door-weyn ku lahayd horumarka fanka Soomaalida.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo ku hadlay magaca wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta oo marxuumaddu ka tirsanayd 10kii sanno ee u dambeeyey, ayaa la filayaa in maalinta Berri aas Qaran loogu sameeyo magaalada Boorama.

Marxuumadda oo ka tirsanaan jirtay Hobolladii Waaberi, ayaa fanka ku soo biirtay dabayaaqadii sannadihii 1960-yadii, ayaa door muhiim ah ka soo qaadatay horumarkii fanka Soomaalida, waxaanay si weyn uga qayb-qaadatay Riwaayado badan oo caan noqday.

Allah ha u naxariistee Aamiina Cabdilaahi Xirsi ayaa ka soo qayb-qaadatay Riwaayado ay ka mid yihiin Dab Jaceyl Kari Waa, Bidaari Sibiqbay Kugu Gashaa iyo Galbeed Waa la xoreeyey, Wadhaf iyo Shimbiro War Isuma Hayaan iyo Qaar kale, waxaanay caan ka noqotay masraxiyadaha riwaayadaha.

Fanaanad Aamina Cabdilaahi Xirsi, waxa ay inta badan heesaha la qaadi jirtay Axmed Gacayte, Maxamed Axmed Kuluc, Xasan Aadan Samater, Cabdinaasir Macalin Siciid, Axmed mooge Liibaan iyo Qaar kale.

Marxuumada ayaa ifka kaga tagtay Lix Carruur ah oo ay u kala Dhashay Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-Qays) iyo Allah ha u naxariistee Fannaankii Cabdiraxmaan Dheere.

Marxuumadda ayaa ah Hooyada dhashay Fannaanadda Hodan Cabdiraxmaan Dheere.

Illaahay Naxariistiisa Janno ha ugu Deeqo Aamina Cabdilaahi Xirsi oo maalinta Berri lagu aasi doono magaalada Boorama.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories