HomeFalastiin oo Xubinimo looga Ogaaladay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo Guusha ay...

Falastiin oo Xubinimo looga Ogaaladay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo Guusha ay ugu fadhido Shacabka Yuhuuddu Xasuuqday

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Go’aankan Dariiqa u xaadhaya Baadhis Madax-bannaan oo lagu sameeyo Xad-gudubyada Isra’iil ka geysatay Dhulka ay xoogga ku haysto ee Falastiin

Hague (SLpost)- Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee Hague, ayaa aqoonsatay jiritaanka Qaranimada Falastiin, taas oo dariiqa u sii xaadhaysa baadhitaanno madax-bannaan oo lagu sameeyo xad-gudubyada bani’aadamnimada ka dhanka ee Dawladda Israa’iil ka geysatay Dhulka reer Falastiin ee ay xoogga qabsatay.

jSida aanu ka soo xigannay Telefishanka Al-Jazeera, Go’aanka Maxkamaddu ku aqoonsatay Qaranimada Falastiin oo Isniintii Shalay lagu gaadhay Fadhi ay yeesheen waddamada Xubnaha ka ah Maxkamadda, ayaa guul wax ku ool ah ugu fadhiya Shacabka reer Falastiin oo kursi ka helaya Maxkamadda ICC (International Criminal Court), waxaanay aragti ahaan ka dhigan tahay, inay sharci ahaan suurto-gal u tahay baadhitaanno madax-bannaan oo lagu sameeyo dambiyada dagaal iyo xad-gudubyada laga geystay Dhulka la haysto ee Reer Falastiin.

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) oo ku dhisan Heshiis Caalami ah oo ay wada-gaadheen inta badan dalalka Adduunka, laguna magacaabo ROME STATUTE, waxa loo aasaasay inay ka gar-naqdo isla markaana dacwadaha ku oogto Dadka loo haysto dambiyada Halista ah iyo Xad-gudubyada ka dhan ah Bani’aadamnimada.

Maxkamadda oo Xarunteedu tahay magaalada Hegue ee dalka Netherland,ayaa ah urur Madax-bannaan oo Caalami ah, kamana mid aha Dhismaha hay’adaha Qaramada Midoobay.

In kasta oo kharashaadka ku baxa hawlaheeda ay bixiyaan waddamada Xubnaha ka ahi, Maxakamadda ICC waxa ay lacago ka heshaa dawladaha, Ururrada Caalaiga ah, shakhsiyaad iyo meelo kale.

“Micnaha uu go’aankani u leeyahay ayaa ah in Falastiin ay ka mid noqotay waddamada kor-joogeyaasha ah ee aan Xubnaha ka ahayn Maxkamadda, si la mid ah mansabka ay kaga jiraan waddamada Maraykanaka iyo Ruushka ama waddan kasta oo aan Saxeexin heshiiska ROME STATUTE,” Sidaa waxa yidhi Wariye James Bay oo ah Tifaftiraha Qaybta Dibloomasiyadda ee Telefishanka Al-jazeera.

“Si kale haddii aan u yidhaahdo, waddamada Xubnaha ka ah ICC waxay u tixgelinayaan Falastiin inay tahay Xubin ka mid ah. Haddii Falastiin codsato inay xubin ka noqoto ICC, way adkaan doonaa in la diido. Ogolaanshuhu waxa uu keenayaa in Isra’il lagu qaado dacwado la xidhiidha xad-gudubyada ay geysatay,” ayuu yidhi James Bay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories