HomeFalaqaynta Qudbadii Taariikhiga Ahayd Ee Madaxweyne Siillaanyo Ka Jeediyey Labada Gole -...

Falaqaynta Qudbadii Taariikhiga Ahayd Ee Madaxweyne Siillaanyo Ka Jeediyey Labada Gole – W/Q: Cabdilaahi Caarshe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

CaarsheMadaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud {Siillaanyo}, ayaa maalintii arbacada wuxuu qudbad dheer oo muddo la sugayey ka jeediyey labada gole baarlamaan hortooda, kuwaasoo fadhi wada jir ah ku yeeshay xarunta baarlamaanka.
Qudbada madaxweynaha Somaliland ayaa laga bixiyey aragtiyo aan sidaa u kala fogayn, qudbadaasoo ahayd mid ay shacabka Somaliland si weyn u soo dhoweeyeen, sidoo kalena xambaarsanayd nuxur muhiim ah kana turjimayey xaalada uu dalku waqtigan marayo,.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu adduunyada u cadeeyey in aan qaranimada iyo madax banaanida Somaliland ay tahay mid laba taabtaan ah, shacabka somalilandna aanay ka noqonayn madax banaanidooda haddii ay gaadhayso boqol sano, sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu jawaab diplamaasiyadeed ka bixiyey dhawaaqii dhowaan ka soo yeedhay dowlada Ingiriish, taasoo dowlada Ingiriishku ku cadaysay in ay Somaliland ku soo fool-leedahay xaalada nabad-gelyo darro, sidoo kalena ay muwaadiniintooda ugu baaqeen in ay dalka Somaliland deg deg uga baxaan, taasoo madaxweyne Siillaanyo ku tilmaamay hadal lagu deg degay Somaliland ay tahay dal nabad-gelyo buuxdaa ka jirto.
Qodobada uu madaxweynuhu ka hadlay waxaa ka mid ahaa “Opening of the Political Process & Municipal Elections”.
Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dorashooyinkii dalka ka dhacay isaga oo madaxweynu u mahad-naqay ururadii ku hadhay dorashadii goleyaasha degaanka, sidoo kalena qiray in loo baahan yahay in la sameeyo diwaan-gelin, iyada oo la sugayo in ay qabsoomaan doorashooyinkii baarlamaanka, guurtida iyo madaxtooyada,.
Madaxweyne siillaanyo ayaa sheegay in aanu diyaar u ahayn in hal maalin loo kordhiyo doorashada, marka uu dhamaado waqtigiisa distooriga ah, hadalkaasoo ahaa mid muhiim ahaa meeshana ka saaray in madaxweynuhu doonayo muddo kordhin.
“Budget and Revenue Growth”
Sidoo kale madaxweynu wuxuu ka hadlay korodhka miisaanadda dowlada taasoo si aan la qiyaasi Karin ku korodhay mudadii ay jirtey xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland md. Siillaanyo, taasoo sanadkan maraysa $174 million dollars (one trillion SL Shillings). Waxaa halkaa ma muuqata in miisaaniyada Somaliland ay marayso meel aanay weligeed gaadhin.
Madaxweynuhu wuxuu kale oo uu sheegay in gobolada bari laga fulin doono mashaariic horuumarineed oo laxaadleh, iyada oo laga howl geli doono wada dheer ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.
Meelaha kale ee madaxweynuhu ka hadlay waxaa ka mid ahaa siyaada arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga, isaga oo sheegay in derajooyin lagu tixi doono saraakiisha ciidamada kale duwan.
Meelaha kale ee madaxweynuhu xooga saaray waxaa ka mid ahayd arrimaha bulshada “Social Affairs”. Isaga oo sheegay waxyaabaha mugga leh ee laga qabtay waxbarashada, caafimaadka, biyaha, madaarada, warbaahinta dowlada public media iyo wadooyinka.
Waxaa kale oo madaxweynuhu ku nuux nuuxsaday siyaada arrimaha dibedda “Foreign Policy” isaga oo madaxweynuhu sheegay in ay booqdeen wadamo badan oo kala duwan ayna kala hadleen qadiyada iyuo madax banaanida Somaliland, isaga oo madaxweynu carabka ku adkeeyey in xidhiidh fiican ay la sameeyeen wadamada carabta, AU-da iyo qaramada midoobey, isaga oo dhinaca kalena sheegay in wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo somaliya bay sal-dhig u tahay wixii ka soo baxay shirkii London.
Qodobada kale ee muhiim ka ahaa ee madaxweynuhu ka hadlay waxaa ka mid ahaa waxyaabaha u qorshaysan xukuumaddiisa, isaga oo sheegay in ay xoogga saarayaan arrimahaa nabad-gelyada {Security}, cadaalada, dhaqaalaha oo kor loo qaado, siyaasada dhulka “Land Management Policy” abuurista shaqooyin bulshada loo sameeyo, siyaadda tamarta, in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo distoorka dalka “Constitutional Amendments” arrimahaa iyo arrimo kale oo muhiim ah ayaa god-dhig u ahaa qudbada madaxweynaha.
Gunaanad
Haddii aan soo koobo nuxurka qudbada madaxweynaha Somaliland ka jeediyey fadhigii labada gole maalintii arbacada waxay ahayd mid taariikhiya, bulshadana ka saartay hadalo badan iyo shaqi ku xeernaa buylshada dhexdeeda, waxayna ahayd qudbadii ugu dhumucda weynayd ee uu jeediyo madaxweyne Siillaanyo intii uu xilka hayey.

Abdillaahi Ahmed Arshe, hargeysa somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories