Home FALANQAYN: Miisaanka Cabdiraxmaan Aw Cali Ku Biirin Karo Haddii uu Hoggaanka Waddani  Ka...

 FALANQAYN: Miisaanka Cabdiraxmaan Aw Cali Ku Biirin Karo Haddii uu Hoggaanka Waddani  Ka Mid Noqdo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Labadii toddobaad ee u dambeeyay waxa la isla dhex marayay warar sheegaya in siyaasiga miisaanka leh ee Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax uu ku biiri doono xisbiga Waddani, isagoo uga dhex tartami doona in loo doorto jagada madaxweyne-xigeen ee xisbigaas.

Wararkan ayaa markii ay soo baxeen waxa ay noqdeen kuwo abuuray su’aalo iyo doodo badan oo ay bulshadu ku falanqaysay suurtogalnimada in Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ka mid noqdo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, haddiiba ay dhacdo taasi nooca is beddel ee uu ku keeni karo isle’egta siyaasiga ah ee hadda jirta,  mana jiro wax war ah oo laga hayo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo uu ku rumaynayo amaba ku dedefeeyay wararkan.

Haddii ay rumowdo in Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax uu ka mid noqdo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani islamarkaana uu kaga dhex tartamo in loo doorto murashaxa madaxweyne-xigeen, waxa ay dadka siyaasadda odorosaa isku raacsanyihiin inuu marka koowaad si fudud ku heli doono taageerada ergada golaha dhexe ee Waddani, waxaanu markaas xisbiga Waddani u keeni doonaa guul isugu jirta gobalka uu ka soo jeeda ee Awdal iyo taageero uu  xisbiga uga soo hoyn doono gobalada dhexe ee Somaliland oo uu ku leeyahay taageero iyo sumcad uu ku helay qaybtii uu ku lahaa halgankii SNM. Waxa kale oo la filayaa in haddii uu Cabdiraxmaan Aw Cali xisbi tago in ay wehelin doonaan qaar badan oo ka mid ah mujaahidiintii SNM ee hadda siyaasadda ku jira balse aan xisbi ku abtirsan, kuwaas oo uu ka dhexeeyo xidhiidh siyaasiya oo adag iyo saaxiibtinimo fog oo halgankii ku dhereran.

Dhinaca dejinta khadadka siyaasadda, Cabdiraxmaan Aw Cali, waxa uu xisbiga Waddani ku soo biirin doono aragtiyo  siyaasadeed oo wax badan ka taraysa arrimaha gudaha, oo ay dadka qaar tilmaamaan inay hadda xisbiga ka maqantahay, taas oo loo tirinayo waayo-aragnimada uu ka dhaxlay halgankii SNM iyo weliba dedaaladii dib u heshiisiinta Somaliland oo wakhtiyadii ay socdeen uu ahaa madaxweyne-xigeenka Somaliland, khibraddaasna loo tirinayo in ay ka mid ahayd sababihii dhowaanba u suurogeliyey in uu si sanqadh yar ku soo afjaro Jabhadayntii Suldaan Wabar oo xaalad colaadeed gelisay gobolka Awdal, xukuumadda Somaliland na caqabad ku ahayd. Waxaanu xisbiga Waddani u buuxin doonaa qaybo badan oo ay muuqato inay ka banaanyihiin. Sidoo kalena waxa la aaminsanyahay inuu xisbiga KULMIYE ku noqon doono xujo aanay ka gudbi karin, maadaama oo uu Murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE la wadaago taariikhda halgankii dib-u-xoraynta Somaliland oo ka mid ah waxyaabaha ugu mudan taariikhdiisa, isla markaana uu murashaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga la wadaagayo shacbiyadda iyo awoodda taageero ee gobolka Awdal, haddii aanu kaba badsan.

Geesta kalena, waxa laga yaabaa in Cabdiraxmaan Aw Cali uu xisbiga WADDANI ku keeno tafaraaruq siyaasadeed, iyadoo ay bilaabantay sanqadhii loollan ee xisbiga dhexdiisa, waxaana durba bilowday dhaqdhaqaaq ay wadaan siyaasiyiin ka shakiyay tagitaankiisa Waddani ee la hadal hayo, laakiin marka la is barbar-dhigo miisaanka siyaasiyiintaas iyo miisaanka Cabdiraxmaan Aw Cali, waxa ay dadka xisbiga Waddani taageersani aaminsanyihiin in Cabdiraxmaan ku filanyahay buuxinta kaalinta cid kasta oo ku biiritaankiisa awgii Waddani ka sasta.

Si kastaba ha ahaate, waxa la isku raacsanyahay inaanay Cabdiraxmaan Aw Cali weli ka dhammaan damaca siyaasiga ahi, waxase ay u dhowdahay inaanu ku deg degi doonin ku biiritaanka xisbi siyaasi ah ilaa uu u arko saaxad uu ka halacsan karo in xisbiga uu u tagayaa yahay mid ay inta badan ee xisaabta boqolayda u muuqato in uu ku guulaysanayo doorashooyinka Somaliland.

Waxa kale oo isku aragti lagu yahay haddii ay rumowdo in Cabdiraxmaan Aw Cali ku biiro xisbiga Waddan in ku biiritaankiisu xisbiga u soo kordhin doono sumcad islamarkaana uu u keeni doono guulo siayasadeed oo kala duwan.

Waxase laga war sugayaa maalmahan soo socda in Cabdraxmaan cadeeyo inay dhab tahay oo uu ku soo noqanayo siyaasadda kuna biirayo xisbiga Waddani iyo inaanay waxba ka jirin oo uu dhex u ahaanayo ragga ku hirdamaya siyaasadda Somaliland.

Source:Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories