HomeFal-waxashnimo ah oo mar kale dib uga soo cusboonaaday deegaannada galbeedka Somaliland,...

Fal-waxashnimo ah oo mar kale dib uga soo cusboonaaday deegaannada galbeedka Somaliland, Madaxweynaha oo amar degdeg ah soo saaray (CODKA AFHAYEENKA))

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

blankHargeysa, (SLpost)- Wakhti dambe oo xalay ahayd, meel u dhaxaysa degmooyinka Gabiley iyo Baki oo la yidhaahdo Saameel, waxa ka dhacay fal aad u fool oo lagu dilay 3 marxuum taas oo ay gaysteen dad aan haybtooda la garan.
Ka dib markii uu falkaas foosha xun dhacay, madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu saaka isugu yeedhay talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Booliska iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo gaashaan Dhigga,  waxaanu si Adag u Amray in ay raacdo galaan oo ay soo qabtaan dhagar qabayaashi dilkaas geystay meel kasta oo ay joogaana ay kaga daba tagaan.
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaa ku adkeeyey in aanay ka soo hooyanin ilaa ay dhagar qabayaashaa soo qabtaan oo ay sharciga hor keenaan.
Ugu danbay waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkaas ay gacanta ka xaqa darani dishay.

Halkan ka dhagayso codka Afhayeenka Madaxtooda oo ka hadlaya go’aanka madaxweynaha

[audio:http://somalilandpost.net/wp-content/uploads/2011/12/SIILANYO.mp3|titles=AFHAYEENKA]

Sida laga warqabo, waxay ahayd July 11, sannadkii 2009 markii dhacdo tan la mid ah ay koox shufto ay fal jarriimad ah kula kaceen dad safar jidka u dhexeeya degmooyinka Dila iyo Gabiley halkaas oo lagu dilay dhowr qof oo rayid oo gaadiidkoodiina la dhacay, balse markii dambe gaadiidkii ay soo gacan-galiyeen guddigii loo xilsaaray xalinta shaqaaqadaas.

Arrintani waxay sababtay inay sii xoogaysato colaadda u dhaxaysay labada beelood ee muranka dhuleed ka dhex taagnaa muddada dheer isla markaana qolo waliba dhinaceed ka sheeganaysay lahaanshiyaha dhul-beereedka Ceelbardaale.

Xukuumaddii hore ayaa iyadu ku fashilantay in xal rasmi ah ka gaadho daminta shaqaaqada deegaaka Ceelbardaale, haseyeeshee xukuumaddan cusub oo laga filayey inay keento xal kama dambays ah ayaan ilaa hadda qaadin wax tallaabo ah oo ay arrintan ka qaadday marka laga reebo guddi uu madaxweyne Siilaanyo bil ka hor u xil saaray inay sida ugu dhakhsaha badan ay u dhammeeyaan xal u helidda arrinta Ceelbardaale ee muddada dheer soo taagnayd.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories