HomeFadliga Salaadda Taraawiixda

Fadliga Salaadda Taraawiixda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankSidaan ogsoonahay Bisha Ramadan, waxaa ka mid ah shicaa’irteeda tukashada Salaada Taraawiixda, waana salaad sunno ah oo la tukado salaadda Cisha dabadeed, waxaana loo tukadaa labo-labo rakco, Nabigana (NNKH) wuxuu xadis saxiix ah ku sheegay: ‘Qofkii tukada Ramadaan isagoo rumeysan oo xisaabsanaya Alaah aktiisa (ajirkeeda) waa loo dambi dhaafaa (dambiyada yar yar, kuwa kabaairta waa in la toobadkeenaa).’  (Bukhari & Muslim).

 

Waxaa Sunno ah  Salaadan in lagu tukado Jamaaco sida soo aroortay in uu nabiga (NNKH) tujiyey saxaabada dhowr habeen kadibna iska daayey cabsi uu ka cabsaday in lagu waajib yeelo ummadiisa. Markii la gaadhey khilaafadii Cumar Bin Khadaab, wuxuu arkay dadka oo koox koox u kala tukanaya taraawiix, wuxuuna bilaabey in uu dib soo nooleeyo sunnada tukashada salaadda Taraawiixda muslimiintana iskugu keenay hal imam inay kudabo tukadaan.
Maxaa lagu Akhriyaa Salaadaan?

 

Kumay soo aroorin salaadan Qur’aan gaar oo la akhriyo. Salafka wey ku dheereyn jireen Qur’aan akhriska, ilaa ay qaar ka mid gaadhsiin jireen wax u dhow salaadda subax, laakin sida fiican waa in lagu tukadaa salaaddan inta ay awoodaan dadka la tukanaya Imaamka.

 

Waxaa haboon in Bisha Ramadaan hal mar ugu yaraan lagu dhameeyo Qur’aanka Kariimka.

 

Immika Rakco ayey ka koobantahay Salaada Taraawiixda?

 

1-Culumada way isku khilaafeen inta rakco ay ka koobantahay salaadaan.
Culumada qaar waxey leeyihiin  waa (11-rakco) 8-rakco iyo 3- racko oo witri ah, waxaanay u soo daliishadeen xadiiska ay caa’‘isha (RDH) oo ahaa:- “Nabiga (SCW) Kamuu  siyaadin jirin 11-rakco ha ahaato Ramadaan ama yaanay ahaan”.

 

2-Culumada qaarkoodna  waxey qabaan in ey tahay 20-rakco iyo 3-racko oo witri  ah, waxeyna u soo daliishadeen ficilkii Saxaabada – Radiya Alaahu Canhum- Xilligii khilaafadii Amiirul mu’miniinta Cumar iyo Cuthmaan.

 

3-Culimada badankoodna waxey isku dayeen in ay isku keenaan labadan ra’yi oo waxay yidhaahdeen waxa Sunno ah  in la tukado 11-rakco, qofkii ka siyaadiyana wax dhib ah kuma jiran oo waa ay banaantahay in latukado inkabadan 11-rakco.

 

Sikastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah inuu qofka Muslimka ah ee sooman uu ku dedaalo sidii uu u tukan lahaa Salaadda Taraawiixda inta uu awoodo, laakiin hadduu awoodo inuu la dhamaysto Salaadda Imaamka taasi ay fadli badantahay, sidii uu ku yidhi Nabigeena (SCW) xadiis saxiix ah: “Qofkii la tukada Imaamka ilaa uu ka salaamo noqsado waxaa loo qoraa qiyaamka habeenka oo dhan”.

 

Illaahay ayaan ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwii laga aqbalo soonkooda iyo qiyaamkooda, Illaahayna uu naga dhigo kuwo laga xoreeyo Naarta bishan barakaysan ee Ramadaan.
Wasala Allaahu Calaa Nabiyinaa Muxamad waca Aalihi Wasaxbihi wasalam. Wasalamu calaykum warahmatu Allaahi wabarakaatuh.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories